"Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, Waxay La Soo Baxday Dhaqan Aan Hore Loogu Aqoon Xukuumaddihii Ka Horeeyey..."Cabdi Haybe Oo Xog Culus Daaha Ka Qaaday

0
Tuesday January 03, 2017 - 16:25:18 in by Burco Office
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, Waxay La Soo Baxday Dhaqan Aan Hore Loogu Aqoon Xukuumaddihii Ka Horeeyey..."Cabdi Haybe Oo Xog Culus Daaha Ka Qaaday

    Hargeysa(AFKA)Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye ku jiro olole, isagoo ku e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye ku jiro olole, isagoo ku eedeeyay inuu hantidii umadda ku ololaynayo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxba kama jiraan iyo dayaacado ku tilmaamay wararka sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro la kulmay Raysal-wasaaraha Somaliya, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya olole uu sheegay inuu Xisbiga kulmiye ku jiro "Xisbiga muxaafidka ee Kulmiye wuxuu dalka ka wadaa olole, iyadoo abaar xumi jirto, oo dadkii iyo xoolihiiba leedeen, ayaa haddana Xisbiga Kulmiye ku jiro olole sharci daro ah, oo aan loo fasixin, waxay ku ololaynayaan Hantidii Umadda ka dhexeysay iyo Gaadiidkii umadda ka dhexeeyey ee Dawladda, waxaan Xisbiga Kulmiye leeyahay joojiya ololaha, dalkana abaar baa ka jirta, oo wali ololihii lama gaadhin ee wakhtigiisa suga, oo dadku ma qaadi karo ololahan aad wadaane joojiya”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey wararka sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro la kulmay Raysal-wasaaraha Somaliya ayaa yidhi "Waa dacaayado iyo been abuur lagu doonayo in olole laga dhigto, in Cabdiraxmaan Cirro la kulmo Raysal-wasaaraha Somaliya, suurtagalna maaha inuu la kulmo, maxaa yeelay waa Guddoomiyihii Barlamaanka Somaliland, waana Musharixii Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, markaas Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay Cabdiraxmaan Cirro waa Madaxweynihii mustaqbalka, lagamana yaabo inuu si yar oo fudud ama dhuumasho kula kulmo Madaxda Somaliya, ee dadkiisa iyo dalkiisa wuu jecel yahaye ee daacayada joojiya, oo Siyaasad hufan oo bilaa turxaana la yimaada oo soo bandhiga, sawiro la isku nabnabayana qiil ha ka dhiganina, oo waa tii Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Somaliya oo wada jooga la soo wada sawiray, haddii ciddi Somaliya u dhawdahayna waxa u dhaw Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo wada hadalo la furtay, oo Ankara ku wada hadlay, oo Ingiriiska ku wada hadlay, oo Dubia ku wada hadlay, oo Jabuuti isku arkay, oo waliba Rag ka tirsanaa oo xilal hayey si toos ah u tageen, markaas Xisbiga Kulmiye maaha inuu ku meeraysto meelo yar oo soke iyo dacaayado aan ka soconaynin ee waxaan leeyahay tartankiinu ha noqdo tartan hufan”.

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda wuxuu yidhi "Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, waxay la soo baxday dhaqan aan hore loogu aqoon Xukuumaddihii ka horeeyey oo ah qabyaaladii oo ay meel aad u xun gaadhsiisay, oo Xukuumaddihii hore dhinaca wanaagsan ayey mar walba ka istaagi jireen Qabyaalada iyo Beelaha, balse Xukuumaddani dhinaca xun bay ka istaagtay, laakiin Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay waxaad tihiin dad reer Somaliland ah oo ku abtirsada Jamhuuriyada Somaliland ee mar walba dhinaca wanaagsan ka eega qabyaalada”.

Cabdi Haybe oo ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi "Doorashadii waxa hadhay muddo saddex bilood ah, waxayna aniga ila tahay marka aan eegay xaalada ay dadkeenu ku jiro, abaaraha taagan iyo waxa la filan karo in aanay Doorashadu wakhtigaas ku dhacayn, madaama abaar aad u darini jirto, oo bisha saddexaadna ku beegan tahay jilaal, waxaan se filayaa in haddii ay dib u dhacdana in wakhti aan badnayn dib u dhici doonto, Komishanka iyo Saddexda Xisbiga ayaana kolay iska arki doona arinta Doorashada, iyagaana kolay go’aan wada jir ah ka soo saari doona”.