Daawo;Naadiga akhriska iyo Qoraalka Halkaraan ayaa munasibad Ballaadhan ku so Bandhigay Buug Qiimo badan oo ka hadlaya Bandhigaya Islaamiga ah

0
Tuesday January 03, 2017 - 21:18:41 in by salman abdi
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;Naadiga akhriska iyo Qoraalka Halkaraan ayaa munasibad Ballaadhan ku so Bandhigay Buug Qiimo badan oo ka hadlaya Bandhigaya Islaamiga ah

    Burco(AFKA);Naadiga akhriska iyo Qoraalka Halkaraan ayaa munasibad Ballaadhan ku so Bandhigay Buug Qiimo badan oo ka hadlaya Bandhigaya Islaamiga ah waxana Munasibaddan oo la kowsatay Bandhigyada Buugaagta ee Sannadka 2017 ka so qaybgalay, Culumo Awd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Naadiga akhriska iyo Qoraalka Halkaraan ayaa munasibad Ballaadhan ku so Bandhigay Buug Qiimo badan oo ka hadlaya Bandhigaya Islaamiga ah waxana Munasibaddan oo la kowsatay Bandhigyada Buugaagta ee Sannadka 2017 ka so qaybgalay, Culumo Awdiin, Dhakhaatiir, Masuliyinta Bangiyada islaamiga ah ee shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom, Ganacsato, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro Tiro badan.
Munasibaddan waxa kelmadihi Furitaanka kajeediyey Mustafe Osman oo ah Gudomiyaha La Doortay ee Naadiga Halkaraan iyo Abdirashid oo Halkas ka jediyey Taariikhda Qoraaga Buugan.
Dr Abdiqani Xusen Beder ayaa isna Halkas sharaxaad kagaBixiyey Cilmiga ku Duugaan Buugiisa iyo Ujeedadii uu Buuga u Qoray.
Guddomiyaha Salama Bank Togdheer Maxmed Yusuf, Gudomiyaha Hay'ada Wang Farista iyo Xumaan reebista, Dr Abdiraxman Axmed Rage, Sh ismacil Carraale, Aqoonyahan Axmed Muse iyo Sheekh Faysal Sh Cali Faarax oo iyaguna Munasibadda kahadlay Ayaa Qoraga ku bogaadiyey Aqoonta iyo Dhaxalka uu Bulshadiisa u reebay iyagoo u soo jeediyey culumada iyo aqonyahanada kale ee lamidka ah na inay Dhaxal u reebaan Da'yarta oo ay aqoonta ay hayaan u Qoraan si Qarniyo lo manafacaadsado. iyagoo Naadiga Halkarana ku bogaadiyey kaalinta uu bulshada kaga jiro iyo Bandhigyada uu sameeyo.


Ayaanle Hassan Bii'em
Contac:ayaanlepm3@gmail.com
Burco/Office