Bournemouth Oo Wacdaro Layaableh Ku Dhigtay Arsenal, Gunners Oo Toban Ciyaartoy Oo Bournemouth Ah Dirqi Kula Barbaraysay
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Bournemouth XI (4-2-3-1): Boruc; Francis, Cook, Ake, Daniels; Arter, Gosling; Stanislas, King, Fraser; Wilson.
Kaydka: Federici, Mings, Brad Smith, Adam Smith, Surman, Mousset, Ibe.
Arsenal XI (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Coquelin, Xhaka; Ramsey, Sanchez, Iwobi; Giroud.
Kaydka:Ospina, Holding, Gabriel, Maitland-Niles, Reine-Adelaide, Oxlade-Chamberlain, Perez.
Kooxda martida loo ahaa ee Bournemouth ayaa qaybtii h--e ee kulankan Arsenal ka yaabsatay waxayna soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo dhibaato badan ku abuuray kooxda Arsene Wenger ee doonaysay in ay kaalinta saddexaad dib ugu soo laabto.
DAQIIQADII 16 AAD GOOOOOOOOOOL!.Bournemouth ayaa goolka furitaanka kaga nixisatay Arsenal kadib markii uuCharlie Daniels uu si qurux badan u dhamaystiray kubbad uu Bellerin qalad wayn ku lahaa wuxuunaCharlie Daniels goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Junior Stanislas waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bournemouth hogaanka ciyaarta ku qabtay inkasta oo Arsenal laga filayay goolka furitaanka kulankan.
AQIIQADII 19 AAD REKOODHE!!, Kooxda Bournemouth ayaa weerar kale oo cajiib ah ku soo qaaday goolka Arsenal waxaana kubbada dhinaca bidix kala soo xaroodayRyan Fraser kaas oo sabab u noqday Bournemouth rekoodhe lagu abaal mariyo kadib markii uu Granit Xhaka qalad xun ku galayRyan Fraser oo xerada ganaaxa Gunners ku jira taas oo keentay in garsooruhu uu rekoodhe dhigo.
DAQIIQADII 20 AAD GOOOOOOOOOOOL! Callum Wilson ayaa kubbada qaatay wuxuuna kooxdiisa Bounemouth uga faa’iideeyay fursada dahabiga ah ee ay heleen isaga oo si fiican u garaacday goolhaye Petr Cech wuxuuna Callum Wilson markiisa ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Bournemouth hogaana ciyaarta xili horeba ku dheeraysatay!!!.
DAQIIQADII 28 AAD Dhibaatada Arsenal ayaa halkeeda ka sii socotay waxayna jugi soo gaadhayFrancis Coquelin kaas oo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxaana Arsene Wenger qasab ku noqotay in uu sameeyo badal aanu doonayn in uu heerkan oo kale ku sameeyo waxaana ciyaarta soo galayAlex Oxlade-Chamberlain.
Inkasta oo ay Arsenal fursado fiican abuuraysay haddana fursadaheeda ayaan ahayn kuwo halis badan galiyay Bournemouth halka weerarka kooxda martida loo ahaa uu halis badan ku abuuray difaaca Gunners inkasta oo laba gool xili horeba dhaliyeen. Qaybtii h--e ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Bournemouth 2:0 hogaanka ku hayso isla markaana lays waydiinayay jawaabta ay Arsnenal bixin doonto qaybta danbe ee kulankan.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal soo laabtay iyada oo ku socotay dardar xoogan waxayna markiiba abuurtay fursado tiro badan iyada oo Ramsey uu helay fursadii ugu halista badnayd wuxuuna kubbada la galay goolka Bournemouth balse taabashadii ugu danbeeyay ayay difaacu iska badbaadiyeen.
DAQIIQADII 57 GOOO…? Bournemouth ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda saddexaad kadib markii uuHarry Arter kubbad cajiib ah ku tuuray goolka Gunners laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in aanu gool sharciya ahayn isla markaana ay kubbadu gacanta kaga sii dhacdayCallum Wilson.
DAQIIQADII 58 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Bournemouth ayaa hal daqiiqad oo kaliya kadib markii goolka laga diiday la timid goolkeeda saddexaad ee sharciga ahaa waxaana markan goolka saddexaad Gunners ugu qubeeyayRyan Fraser kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Bournemouth ku dubanayso kooxda martida u ahayd ee Arsenal.Charlie Daniels ayaa caawinta goolkan markale sameeyay laakiin Bellerin ayaa la burburiyay waxaana dariiq ka soo dhigtay Fraser waxayna ciyaartu noqotay mid Bournemouth ay si dhab ah ula wareegtay.
Arsene Wenger ayaa laba badal sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saarayAlex Iwobi iyoLaurent Koscielny wuxuuna kaydka ugu yeedhayGabriel iyoLucas Pérez laakiin waxa ay Bournemouth garoonka ka samaynaysay ayaa ahaa waxaan la rumaysan karin waxayna nooc kasta oo dhibaato ah ay ku abuureen difaaca iyo Petr Cech.
DAQIIQADII 70 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa ugu danbayn gaadhay shabaqa Bournemouth ee dhibaatada ku ahaa waxaana gool qurux badan oo madax ah u saxiixay Alexis Sanchez oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu Olivier Giroud madaxa ku darbeeyay balse uu awoodi waayay in uu gool ku dhaliyo waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Gunners farqigii goolasha ku soo yaraysay.
DAQIIQADII 75 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Xaalada Arsenal ayaa gabi ahaaba isbadashay waxaana goolka ay hurdada kaga soo toostay Gunners u saxiixay xidiga badalka ku soo galay ciyaarta ee Lucas Pérez kaas oo qaab qurux badan kooxdiisa ugu keenay goolka ay ciyaarta ugu soo laabtay waxaana markale caawinta goolkan sameeyayOlivier Giroud waxaana shaqada ugu badan soo qabtay Sanchez waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay wali Buornemouth hogaanka ciyaarta ku hayso balse Gunners ay si cajiib ah soo laabtay.
DAQIIQADII 82 AAD KAADHKA CAS OO TOOS AH!!! Bournemouth ayay dhibaato wayni soo gadhaykadib markii Simon Francis uu qalad doqoniimo ah ku galay Aaron Ramsey wuxuuna garsooruhu si deg deg ah kaadhka cas oo toos u ugu taagay Francis waxayna Gunners heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay goolka barbaraha ugu yaraan kula iman kartay.
Arsenal ayaa go’doomisay Bournemouth oo 10 ciyaartoy lagu soo yareeyay waxayna wax kasta u samaynayeen sidii ay goolka barbaraha ula imanlahaayeen. Bournemouth ayaa dhibatootay markii ciyaartoyga casaanka laga siiyay waxayna Gunners bilawday in ay waqtigeeda ka faa’iidaysato.
DAQIIQADII 90+2 GOOOOOOOOOOOOOOL!Olivier Giroud oo laba gool caawin kulankan ka sameeyay ayaa markan noqotay xidiga Gunners badbaadiyay ee u keenay goolka barbaraha waxaana caawinta goolkan sameeyayt Granit Xhaka oo madaxa Giroud kubbada soo saaray waxayna ciyaartu noqotay babraro 3:3 ah oo ay Arsenal meel fog ka soo laabtay inkasta oo ay faa’iido ka heshay casaaanka Bourenmouth la siiyay.
DAQIIQADII 90+4 Petr Cech ayaa ceeb ka badbadiyay kooxdiisa kadib markii uuAdam Smith kooxdiisa Bournemouth oo toban ciyaartoy ah uu udhalin gaadhay goolka guusha laakiin ciyaarta waalida ahayd ayaa ku dhamaatay babaro 3:3 ah waxayna ahayd ciyaar layaableh. Gunners ayaa guuldaro ka badbaday waxayna lumisay fursadii ay kaalinta saddexaad ugu soo laaban lahayd waxayna baaqi ku sii tahay kaalinta afraad.
Bournemouth Oo Wacdaro Layaableh Ku Dhigtay Arsenal, Gunners Oo Toban Ciyaartoy Oo Bournemouth Ah Dirqi Kula Barbaraysay
Bournemouth ayaa ciyaar layaableh wacdaro ugu dhigtay kooxda Arsenal oo 20 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay dirqi iskugu badbaadisay isla marakanaBournemouth oo toban ciyaartoy lagu soo yareeyay babraro dirqi ah la gashay dhamaadkii kulankan.