Warbixin:Garsooraha Uu Culayska Wayni Saaran Yahay Ee Mike Dean Oo Noqday Garsooraha Kaadhadkii Casaa Iyo Rekoodhayashii Ugu Badnaa Xili Ciyaareedkan Bixiyay!!!

0
Wednesday January 04, 2017 - 02:22:48 in by Burco Office
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Garsooraha Uu Culayska Wayni Saaran Yahay Ee Mike Dean Oo Noqday Garsooraha Kaadhadkii Casaa Iyo Rekoodhayashii Ugu Badnaa Xili Ciyaareedkan Bixiyay!!!

    .Warka ugu hadal-haynta badan kulamadii Premeir Leaque-ga ee 20 aad ayaa noqday qaladkii uu garsooreMike Dean kaadhka cas oo toos ah uu ugu siiyay xidiga kooxda West Ham United ee Sofiane Feghouli intii lagu jiray bilawgii kulankii ay Manchester Unit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Warka ugu hadal-haynta badan kulamadii Premeir Leaque-ga ee 20 aad ayaa noqday qaladkii uu garsooreMike Dean kaadhka cas oo toos ah uu ugu siiyay xidiga kooxda West Ham United ee Sofiane Feghouli intii lagu jiray bilawgii kulankii ay Manchester United guusha ka soo gaadhay Hammbers.

 

Dean was widely criticised for his decision, with West Ham boss Slaven Bilic furious

 

 
Mike Dean ayaa go’aan uu ku deg degay isla markaana lagu eedeeyay in uu qiyaas ku saleeyay kaadhka cas oo toos ah u taagay Sofiane Feghouli markii ay ciyaartu socotay 15 daqiiqo oo kaliya kadib markii uu Feghouli qalad kaadhka digniinta oo kaliya uu ku qaadan lahaa uu ku galay Phil Jones. Khabiirada kubbada cagta, warbaahinta England iyo waliba garsoorayaal h--e ayaa sida fiinta uga qayliyay waxa ay ku tilmaameen kaadhkii doqoniimada lahaa ee uu Dean siiyaySofiane Feghouli. Jones ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Feghouli u qalqaaliyay in kaadhka cas la siiyo.

 

Laakiin qaladka uu sameeyay Mike Dean ayaan ahayn kan oo kaliya wuxuuna marar badan soo abuuray dood inkasta oo ay tani ahayd mid si wayn looga qayliyay. Mike Dean ayaa si rasmi ah u noqday garsooraha xili ciyaareedkan bixiyay kaadhadhkii casaa ee ugu badnaa taas oo saamayn wayn ku yeelatay kulamo badan wuxuuna sidoo kale noqday garsooraha rekoodhayaasha ugu badan ilaa hadda bixiyay taas oo muujinaysa sida uu garsoorka kale uga gacan fudud yahay.

Waxaa jira todoba garsoore oo aan ilaa hadda hal kaadh oo casaan ah bixin halka Mike Dean uu bixiyay 5 kaadh casaan, waxaa sidoo kale jira afar garsoore oo aan wali hal rekoodhe dhigin halka Mike Dean uu haddaba dhigay 10 rekoodhe waana garsooraha ilaa hadda bixiyay isku darka 15 rekoodhe iyo kaadh casaan!!.

Garsoorayaasha Rekoodhayaasha Ugu Badan Bixiyay Xili Ciyaareedkan Ee Horyaalka Premier leaque-ga:

1- Mike Dean =10

2- M. Oliver7

3-R.Madley =7

4-A. Taylor = 6

5-L. Mason =6

6-M. Clattenburg =5

7-A. Marriner =4

8-M. Jones =4

9-R. East =4

10-M. Atkinson=3

11-N. Swarbrick=3

12-K. Friend=2

13-C.Pawson=2

14-G.Scott=2

15-J. Moss=1

16-P. Tierney=0

17-K. Stroud=0

18-S. Attwell =0

19-S.Hooper =0

Garsoorayaasha Kaadhadhka Cas EeUgu Badan Bixiyay Xili Ciyaareedkan Ee Horyaalka Premier leaque-ga:

1-Mike Dean =5

2-A. Taylor =3

3-L. Mason =2

4-M. Clattenburg =2

5-J. Moss =2

6-R. East =2

7-C.Pawson =2

8-A. Marriner =1

9-M. Atkinson =1

10-M. Jones =1

11-R.Madley1

12-G.Scott =1

13-K. Friend =0

14-M. Oliver =0

15-N. Swarbrick =0

16-P. Tierney =0

17-K. Stroud =0

18-S. Attwell =0

19-S.Hooper =0