Madaxweyne Xassan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee aqalka sare.

0
Thursday January 05, 2017 - 18:20:00 in Wararka by salman abdi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee aqalka sare.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhanka kale furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhanka kale furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka sare.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee loo diyaariyey in uu ku shaqeeyo Aqalka Sare si gaar ahna Hoolka fadhiyada ay ku yeelan doonaan.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Koowaad ee Aqalka Sare, waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha, guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare, saraakiisha ciidammada Qalabka Sida, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Sanatorrada cusub.

Max'ed Xusseen Raagge guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sano haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.