Brazil Iyo Mexico Oo Wareega Labaad Iska Xaadiriyay Iyo Spain Oo Guul an waxba ku fadhiyin Ku Sagootiday Koobka Aduunka.

0
Tuesday June 24, 2014 - 11:04:43 in by Burco Office
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Iyo Mexico Oo Wareega Labaad Iska Xaadiriyay Iyo Spain Oo Guul an waxba ku fadhiyin Ku Sagootiday Koobka Aduunka.

    Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey wareega labaad ee koobka adduunka, Celesao ayaa garaacday Cameroon, waxaana ay farqiga goolasha ugusoo baxday kaalinta koowaad ee kooxda A, taas oo lamacno ah inay wajahdo xulka kaalinta labaad ee kooxda B ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey wareega labaad ee koobka adduunka, Celesao ayaa garaacday Cameroon, waxaana ay farqiga goolasha ugusoo baxday kaalinta koowaad ee kooxda A, taas oo lamacno ah inay wajahdo xulka kaalinta labaad ee kooxda B kusoo baxay oo ah Chile.


Goolasha waxaa udaahfuray xiddiga Barcelona, Neymar ayaa dhaliyey labo gool daqiiqadihii (17 iyo 35), iyo Fred oo dhaliyey daqiiqadii 49aad iyo xiddiga Manchester City oo dhaliyey goolka afaraad ee Brazil daqiiqadii (84), halka goolka qura ee Cameroon uu dhaliyey Joel Matip daqiiqadii (26).

Brazil ayaa kahortagi doonto Chile oo kusoo baxday kaalinta labaad ee kooxda B, oo ay wada ciyaari doonaan sabtida soo socoto.

Dhanka kale Mexico ayaa garaacday Croatia iyadoo usoo baxday wareega labaad ee tartanka koobka adduunka oo ay axada soo socoto isla ciyaari doonaan xulka qaranka Netherland oo kusoo baxay kaalinta labaad ee kooxda B.

 

Goolasha waxaa xilli danbe Mexico udaahfuray Rafael Marquez (72), seddex daqiiqo kedib waxaa hogaanka udheereeyay Mexico ciyaaryahanka Andres Guardado, weeraryahanka Manchester United Chicharito ayaa goolka seddexaad ee Mexico madax kudheliyey (82), halka koolka keliya ee Croatia uu dhaliyey Ivan Perisic (87), laacibkaan ayaa cirib fiican kahelay ciyaaryahanka cusub ee Barcelona Rakitic.

Labada xul ee kooxda A kasoo baxday ayaa wajihi doonaan labada xul ee kasoo baxay kooxda B:

Brazil vs Chile Sabtida.

Netherland vs Mexico Axada.

Spain Oo Guul Aan Waxba Ugu Filayn Ku Macasalaamaysay Koobka Aduunka

Goolal ay kala dhaliyeen ciyaaryahanada David Villa, Fernando Torres iyo Juan Mata ayay xulka koobka aduunka horeba uga hadhsanaa ee Spain ku garaacday xulka dhibic iyo gool la’aanta kaga noqday koobka aduunka ee Australia.

1403545480350_lc_galleryImage_CURITIBA_BRAZIL_JUNE_23_JXulka difaacanayay koob aduunkii 2010 ayaa gool dhaliyey qaybtii hore, laba goolna ka daba geeyey qaybtii labaad ee ciyaarta , sidaasna guul ugu macasalaameeyey maalintii ugu dambeysay ciyaaraha koobka aduunka ay ka qayb gallaan.

1403544984575_lc_galleryImage_CURITIBA_BRAZIL_JUNE_23_FGuushan oo aan waxba ugu filayn xulka tababare Vicente Del Bosque ayaa ka dhigaysa inay kaalinta saddexaad ku daba fadhiistaan Group B , xulalka Holland iyo Chile.

1403546045284_lc_galleryImage_Spain_s_Juan_Mata_centre_ 1403541886724_lc_galleryImage_Spain_s_forward_David_Vil

1403541700872_lc_galleryImage_CURITIBA_BRAZIL_JUNE_23_D





Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com