Hana Dhaafto Solja W/Q Maxamed Andar

0
Thursday January 05, 2017 - 22:40:45 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hana Dhaafto Solja W/Q Maxamed Andar

    Marka loo eego magaca uu ururku sito iyo sida uu u shaqaynaayo waxa, si cad u muuqanaysa in aan uruka ku magacaaban saxaafada Somaliland uusan marna u shaqaynayn sidii looga baahnaa in uu u shaqeeyo, hase yeeshee ay cid gaari ku shaqaysanayso magacii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka loo eego magaca uu ururku sito iyo sida uu u shaqaynaayo waxa, si cad u muuqanaysa in aan uruka ku magacaaban saxaafada Somaliland uusan marna u shaqaynayn sidii looga baahnaa in uu u shaqeeyo, hase yeeshee ay cid gaari ku shaqaysanayso magacii ururka, iyada oo adeegsanaysa magacii iyo awoodii ay saxaafadu lahayd.


Waxaa jira dhalinyaro fara badan oo u hanwayn in ay ka midha dhaliyaan mihnada saxaafada kuwaas oo u baahan gacan qabasho iyo dhiiri galin taas oo ay xaq u lahayd in ay gacanta ku qabato solja una samayso dhiiri galino inta kareen keeda ah, hase yeeshee ma aysan dhicin ilaa hadana dhalinyarta sida gaarka ah u danaysa mihnada saxaafada waxa ay calaamatu suaal saareen waxa uu ka shaqeeyo ururka ku magacaaban saxaafada somaaliland ee solja.

 

Solja waxa ay u taagantahay oo ay ku magacaabantahay dhamaanba warbaahinihii kala duwanaa ee dalka waxayna xaq uleedahay in ay sitoosa ugu adeegto bulshadeeda iyada oo adeeg sanaysa warbaahinaha kala duwan ee hoos yimaada isla markaana u dhexa bulshadii iyo susufiyiintii, oo hadii ay saxaafadu kahalad ka gasho bulshada ay iyadu ilay waa ururkii suxufiyiintu ku midays naayeene ay too sinayso, laakiiinse aanay noqon mid kusii dhiiri galisa in suxufigu sax iyo qalad waxa uu doonaba samayn karo.

 

Maanta hadii aanay cid gaara adeegsanayn magaca solja waxa ay horumar buuxda kasamayn lahayd bulshada dhexdeedii mana aanay jirteen warar boro bogaan do, ah oo hawada laysu mariyaa,waxayna xaq u yeelan lahayd in xataa suxufigii ku xad gudba xeerka saxaafada Somaliland ay talaabo ka qaadaan, nasiib daro laakin ma aanay dhicin, oo awoodba uma laha in suxufigii hadii uu xataa war bulshadii khalkhal galinaaya uu sii daayo in ay saxaan amaba xataa ay ku yidhaahdaan waxaad khalad ka gashay xeerkii saxaafada, waayo maanta solja kamaba war qabto cida suxufiga ah iyo cida aan ahayn.

 

Hadii ay maanta solja daacad ka tahay oo ay doonayso in ay horumar ka samayso saxaafdii waxaa kaga filnayd oo kaliya in ay tira koob ku samayso dhamaan warbaahinaha iyo suxufiyiinta ka hawl gala dalka si ay uga war hayso warbaahintii soo korodha amaba suxufiga cusb ee soo kordha, hadii ay intaa samayso waxa kale oo ay samayn lahayd goob ay isugu yimaadaan suxufiyiintu isla markaana sare loogu qaadaayo heerka aqooneed ee suxufiyiinta si loo helo suxufiyiin tayo leh oo u adeegaya bulshadoodii wadankoodiina ka iib gaynaya wadamada caalamka si loo helo ictiraaf buuxa, balse waa iga suaale solja ma ka warqabtaa inta warbaahineed ee ka jira dalka gudihiisa? Mase ka warqabtaa inta suxufi ee ka hawl gala isla wadanka gudihiisa? Jawaabtu waa maya, hadaba hadii ay sidaa tahay maxaa ay solja ka shaqaysaa?

 

Marka aad tahay qof uu si gaara u taabanayo qoraalkani bal iswaydii, maxaa uu ururka saxaafada Somaliland u qabtaa bulshada? Muxuuse u qabtaa saxfiga laftiisa? Maxayse ahayd in  ururka solja uu u qabto bulshada iyo suxufiyiintaba?

 

Marka aad siwacan uga fikirto su,aalahaas waxa sitoosa kuu hor imanaya halka solja ay ka taagantahay bulshadii iyo waliba saxaafada dhexdeediii,Iyada oo aynu ka wada war qabno xaalada ay haatan taagantahay warbaahinaha kala duwan ee ka jira dalka ayaa waxa hadana la dareemayaa booska ay ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja ka taagan yihiin saxaafada iyo bulshada ku dhaqan dalka gudihiisaba.

 

Soylja waa ururkii ka shaqayn lahaa ururinta,midnimada  iyo isku xidhka warbaahinaha kala duwan ee ka jira dalka, sidoo kale waa ururkii ay ahayd in uu gacan buuxda siiyo dhamaanba wariyayaasha waawayn iyo kuwa yararba, laakin nasiib daro waxaa maanta Ayaan daro wayn ah in ururkii loogu talagay in uu mideeyo warbaahinaha iyo suxufiyiinta kala duwan ee ka hawl gala dalka uu maanta kaw ka noqday qoqobinta iyo kala qaadqaadka warbaahinta iyo waliba suxufiyiinta, taas oo dhabar jab wayn ku noqonaysa horumarkii iyo warbaahintii wadanka.

 

Maanta solja waxa ay bilawday mashruuc ay ku kala cuganayso suxufiyiintii ka hawl galayay dalka misana u adeegayay bulshadooda, iyada oo xooga saaraysa hadba sidii ay u hanan lahayd suxufiyiinta waawayn taa badelkeedana ay meesha ka saarayso suxufiyiintii yaryarayd ee dadaalka ugu jiray in ay u hadlaan dadka aan codkoodu meel sare gaadhaynin.

Hadaba intii solja ay kala qoqobinlahayd oo ay kala qaad qaadi lahayd warbaahinta,intii ay bulshada khalkhal galin lahayd, intii ceebteedu banaanka usoo bixi lahayd, intii ay niyad jab ku ridi lahayd suxufigii hamiga lahaaa, mar uun hana wada dhaafto!

 

 

 

 

 

 

 

 

Soljo Hana Dhaafto W/Q Maxamed Andar

Gmail:maxamedqani122@gamail.com

Facebook: Maxamed Andar