kooxda Arsenal oo gurigeeda loogu awood sheegtay OEzil oo fursad ka khasaariyey iyo Gool hayaheedii oo Kaadh Cas la siiyey

0
Thursday February 20, 2014 - 11:53:16 in by London Office
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kooxda Arsenal oo gurigeeda loogu awood sheegtay OEzil oo fursad ka khasaariyey iyo Gool hayaheedii oo Kaadh Cas la siiyey

    Kooxda Arsenal oo intii ugu badnayd Tobon Ciyaaryahan ku ciyaaraysay Holland (Afka Shacabka) Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda loogu awood sheegtay kadib markii ay Bayern Munich ka badisay Tartanka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal oo intii ugu badnayd Tobon Ciyaaryahan ku ciyaaraysay Holland (Afka Shacabka) Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda loogu awood sheegtay kadib markii ay Bayern Munich ka badisay Tartanka Champions League.

Ciyaartan dhexmartay labadan kooxood oo ahayd lugtii kowaad ee wareega 16-aad ee Tartanka Champions League, ayaa kooxda Bayern Munich kaga badisay 2-0, waxaana goolka hore u dhaliyey Bayern Munich daqiiqadii 54-aad Toni Kroos.halka goolkii labaadna uu u dhaliyey Thomas Müller daqiiqadii 88-aad.
haddaba waxa xusid mudan in Ciyaartan labada kooxoodba ay iska khasaariyey fursado ay goolal ku dhalin kareen, kadib markii Mesut Özil daqiiqadii Sagaalad ee Ciyaarta uu kooxdiisa ka khasaariyey Rikoodhe, taas oo haddii uu Rikoodhahaas uu dhalin lahaa rajo aad u wanaagsan heli lahayeen,
dhinaca kale kooxda Bayern Munich ayaa iyana dhankeeda Rikoodhe iska khasaarisay, waxaana Rikoodhahaas ka khasaariyey David Alaba. balse markii ay ciyaartu socotay 38-daqiiqo ayaa Goolahayaha kooxda Arsenal kaadh cas lasiiyey kadib markii uu khalad galay. taas oo niyad jab ku keentay Ciyaaryahanadii iyo Taageerayaashii kooxda Arsena,
sidoo kale Lugta Labaad ee Ciyaartan oo lagu ciyaari doono Garoonka kooxda Munich ayaa waxa la eegi doona sida ay wax noqdaan, iyada oo sanadkii hore isla kooxda Munich ay reebtay Arsenal. iyada oo ku guuleeystay koobkii. balse Arsenal oo ciyaarta intii ugu badnayd ku ciyaaraysay 10-ciyaaryahan ayaa iska difaacday.

Afka Shacabka
Holland