Waqtiga, Goobta, Abaalmarinada La Bixin Doono Iyo Wax Walba Oo Ku Saabsan Abaalmarinta FIFA World Player Year 2016

0
Saturday January 07, 2017 - 12:57:03 in by salman abdi
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga, Goobta, Abaalmarinada La Bixin Doono Iyo Wax Walba Oo Ku Saabsan Abaalmarinta FIFA World Player Year 2016

    Wax lasoo jiitamo waxaa soo dhawaaday waqtigii loo asteeyay in la qabto xafladda ugu weyn in shaqsiyaad lagu abaalmariyo waana xaflad lagu bixin doono Abaalmarinta FIFA Best Player of the Year oo la siin doono xiddigii ugu wanaagsanaa dunida sanadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax lasoo jiitamo waxaa soo dhawaaday waqtigii loo asteeyay in la qabto xafladda ugu weyn in shaqsiyaad lagu abaalmariyo waana xaflad lagu bixin doono Abaalmarinta FIFA Best Player of the Year oo la siin doono xiddigii ugu wanaagsanaa dunida sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.

Xafladaan waa madi marka la fiiriyo shantii sano ee lasoo dhaafay madama ay kala hareen FIFA iyo France Football Magazine oo tan iyo 2010 isla bixin jiray abaalmarin loogu magac daray FIFA Ballon d’Or, balse waxaan hoos ku sharaxeynaa, Waqtiga la qaban doono, Goobta xafladda, musharaxiinta sadexda ah, musharaxiintii guud ee markii h--e lasoo doortay iyo Dhamaan Abaalmarinada kale ee lagu bixin doono xafladda.

 

 


SABABTEE AYAAN LOOGU YEERINBALLON D’OR





Cristiano Ronaldo ayaa ah qofka ugu weyn ee la hadal hayo inuu ku guuleysan karo abaalmarintaan, maadama uu hantay Euro 2016, UCL 2016, UEFA Super Cup iyo Fifa Club World Cup.

Lionel Messi isna wuxuu laba koob u hogamaiyay Barcelona, sidoo kalana wuxuu Argentina ka saaciday iney gaarto finalka Copa America inkastoo laga qaaday, meeshana kama marna inGriezmann uu laba jeer final gaaray 2016.


23-KII MUSHARAX EE H--E


Sergio Aguero(Manchester City/Argentina), Gareth Bale(Real Madrid/Wales), Gianluigi Buffon(Juventus/Italy),Cristiano Ronaldo(Real Madrid/Portugal),Kevin De Bruyne(Manchester City/Belgium),Antoine Griezmann(Atletico Madrid/France), Zlatan Ibrahimovic(Manchester United/Sweden), Andres Iniesta(Barcelona/Spain), N’Golo Kante(Chelsea/France), Toni Kroos(Real Madrid/Germany), Robert Lewandowski(Bayern Munich/Poland), Riyad Mahrez(Leicester City/Algeria),Lionel Messi(Barcelona/Argentina), Luka Modric(Real Madrid/Croatia), Manuel Neuer(Bayern Munich/Germany), Neymar(Barcelona/Brazil), Mesut Ozil(Arsenal/Germany), Dimitri Payet(West Ham/France), Paul Pogba(Manchester United/France), Sergio Ramos(Real Madrid/Spain), Alexis Sanchez(Arsenal/Chile), Luis Suarez(Barcelona/Uruguay), Jamie Vardy(Leicester City/England).


DHAMAAN ABAALMARINADA LA BIXIN DOONA


Kaliya lama bixin doono Abaalmarinta Ciyaariyahanka ugu wanaagsan Dunida ee sidoo kale waxaa la bixin doonaa abaalmarino kala duwan oo ay ugu waaweyn yahiin – Gabadha ugu wanaagsan sanadka 2016, Macalinka ugu fiican Dunida, Macalimadda (Haweenka) ugu fiican 2016 iyo abaalmarino kale oo aan hoos ku sharci doono.

Best FIFA Men’s Player 2016–Abaalmarintaan waxaa la siin doonaa ciyaariyahanka (ragga) ugu fiican waxaana u tartami doona (Messi, Griezmann iyo CR7).

Best FIFA Women’s Player 2016– Abaalmarintaan waa ciyaariyahanka ugu fiican dunida (Dumarka) waxaana isugu soo haray Melane Behringer(Bayern Munich/Germany), Carli Lloyd(Houston Dash/USA)and Marta(FC Rosengard/Brazil).

Best FIFA Men’s Coach 2016– Waa Abaalmarinta tababaraha ugu fiican Aduunka (Ragga) kuwaas oo maamulay qaran iyo kooxba waxaana u tartamaya Claudio Ranieri(Leicester City), Fernando Santos(Portugal)and Zinedine Zidane(Real Madrid).

Best FIFA Women’s Coach 2016– Tababaraha ugu fiican dhanka Dumarka Jill Ellis(United States), Silvia Neid(Germany)and Pia Sundhage(Sweden).

FIFA Puskas Award 2016– Waa Abaalmarinta goolka ugu qurxoon sanadka 2016.

FIFA Fair Play Award 2016– Abaalmarintaan waa ciyaar wanaag, waxaana horay ugu guuleystay Paolo Di Canio, Hay’adaha kubadda cagta ee taageeray Qaxootiga, Barcelona Iyo Sidoo kala taageerayashii koobka Aduunka 2006.

FIFA Fan Award 2016– Waa Abaalmarin cusub oo la gudoonsiin doono taageerayaasha, waxaana u sharaxan jamaahiirta kooxaha (Dortmund iyo Liverpool) ADO Den Haag fans, Borussia Dortmund/Liverpool fans (one single entry) Iyo taageerayaasha xulka Iceland fans.

FIFA FIFPro World11– Abaalmarintaan waa kooxda ugu wanaagsan sanadka, waxaana lasoo xushaa 11-ka xidig ee dunida waxaana codkooda dhiibta 25,000 kun ciyaariyahan oo ka kala socda 70-wadan, waxaana loo yaqaanaa FIFAPRO World XI.


YAA DAADIHIN DOONA


Atariishada reer Mareykan eeEva Longoria ayaa masraxa soo fuuli doonta waxaana wehlin doona soo jeediyaha ugu caansan jarmalkaMarco Schreyl kuwaas oo casuumaad ka helay FIFA.


GOOBTA IYO SAACADDA


Waxaa xafladda lagu qaban doonaa sida caadada ah xarunta xiriirka kubadda cagta dunida ee Zurich, waxaana si toos ah loo daawan doonaa 8:30 habeenim waqtiga UK wuxuu noqon doonaa 5:30 Galabnimo halka waqtiga bariga Mareykanka uu yahay 12:30 duhurnimo.