Ciidamada Jubaland oo howlgallo ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose

0
Saturday January 07, 2017 - 13:36:19 in by salman abdi
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jubaland oo howlgallo ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose

    Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgallo ciidan ka bilaabay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgallo ciidan ka bilaabay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Ciidamadan isgarabsanaya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay tuulada Buulgaduud oo qiyaastii 30 KM u jirta Kismaayo, waxayna saaka u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Kamsuuma.

Iska horimaadyo ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu saaka ku dhexmaray deegaanka Wirkooy oo hoostagta degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

Taliyaha guud ee ciidamada dowlad goboleedka Jubaland Aadan Goojaar oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa sheegey in howlgalladu ay weli soconayaan, isagoo sheegay in wixii faahfaahin ah ay dib ka bixin doonaan.

"Adeer howlgalladu way socdaan, dhul ballaaranna ciidamadu way la wareegeen, marka dagaal ayaan ku jirnaa wixii faahfaahin ah dib ayaan idinka siinayaa," ayuu taliyuhu yiri.

Howlgallada ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ay deegaano dhowr ah oo dhanka galbeed Kismaayo kaga beegan ay kala wareegeen Al-shabaab.