Midawga Yurub Oo Deeq Lacag Ah Ugu Deeqay Waddamo Ay Somaliya Ku Jirto

0
Saturday January 07, 2017 - 19:09:08 in by salman abdi
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Deeq Lacag Ah Ugu Deeqay Waddamo Ay Somaliya Ku Jirto

    Midowga Yurub ayaa sheegay in dalal Soomaaliya ay ku jirto inay ugu deeqeen dhaqaalo gaadhaya 28 Milyan oo lacagta wadamada Yurub ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub ayaa sheegay in dalal Soomaaliya ay ku jirto inay ugu deeqeen dhaqaalo gaadhaya 28 Milyan oo lacagta wadamada Yurub ah.

Wadamada dhaqaalaha loogu deeqay ayaa ku yaala qaaradaha Africa iyo Asia, waxaana wax looga qaban doonaa arimaha dhanka bini’aadannimada ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in qeyb dhaqaalahaasi kamid ah Soomaaliya ay soo gaadhi doonto horaanta sanadkaan cusub ee 2017.

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in 10 milyan oo dhaqaalahaasi kamid ah in Soomaaliya ay soo gaadhi doonaan, waxaana wax looga qaban doonaa abaaraha iyo dhibaatada shacabka heysta.

"Lacagtaani waa mid loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay dhibaatadu ku haysato Soomaaliya , si


gaara waxaa loogu caawi doonaa kuwa ay haystaan cunto yarida iyo biyo La’aanta” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Midowga Yurub.

 

Ugu dambeyn ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan arimo badan oo bini’aadanimada iyo siyaasadda ay qeyb ka yihiin.