Dawlada Sacuudiga Oo Somaliland Iyo Soomaaliya U Soo Diraysa Dhakhaatiir Baadha Caafimaadka Xoolaha.

0
Saturday January 07, 2017 - 19:33:35 in by Burco Office
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Sacuudiga Oo Somaliland Iyo Soomaaliya U Soo Diraysa Dhakhaatiir Baadha Caafimaadka Xoolaha.

    Wasaaradda Xannaada xoolaha iyo Deegaanka ee dalka Sacudiga ayaa sheegtay in ay dhakhaatiir u soo direyso dalalka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Xannaada xoolaha iyo Deegaanka ee dalka Sacudiga ayaa sheegtay in ay dhakhaatiir u soo direyso dalalka Somaliland

Soomaaliya si ay u baadhaan caafimaadka xoolaha ee ay dhoofsigooda hakadka gelisay.


Dhakhaatiirta ayaa la filayaa in ay tagaan Maxjarrada Xoolaha laga dhoofiyo ee Somaliland Soomaaliya sida kan Berbera iyo Boosaaso oo ah meelaha ugu badan ee laga dhoofiyo Xoolaha Sacuudiga loo qaado.

Dowladda Sacudiga ayaa sannadkiiba 10 milyan oo Neef ka iibsata Caalamka, waxaana 5 Milyan oo ka mid ah ay ka qaadan jirtay Somaliland iyo Soomaaliya.

Hakadka ay ku jiraan dhoofinta Xoolaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa ay saameyn ballaaran ku yeelatay dadka ay xoolahoodu u dhoofin jiray dalkaasi.

Sacudiga ayaa Bishii December ee sannadkii hore joojisay dhoofsiga xoolaha Somaliland iyo Somaliya kadib markii ay sheegtay in Xoolaha ay kaga baqayaan Cudurka durayga ee ay Kaneecada u gudbiso Xoolaha.