Waftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Somaliland ee ku sugan Magaalada London ee Dalka Uk oo Xaflad soo dhawayn ah ay u sameeyeen Hablaha Reer London iyo Waliba abaal marino la gudoon siiyay.

0
Sunday January 08, 2017 - 15:27:05 in by salman abdi
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Somaliland ee ku sugan Magaalada London ee Dalka Uk oo Xaflad soo dhawayn ah ay u sameeyeen Hablaha Reer London iyo Waliba abaal marino la gudoon siiyay.

    Burco(AFKA);Xaflad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Qaar ka mid ah Hablaha Reer Somaliland ee ku sugan Magaalada London ayaa waxa ay Soo dhawayn Mugleh ku qaabileen Wafti Miisan leh oo uu hogaaminayo wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibrahim Aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Xaflad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Qaar ka mid ah Hablaha Reer Somaliland ee ku sugan Magaalada London ayaa waxa ay Soo dhawayn Mugleh ku qaabileen Wafti Miisan leh oo uu hogaaminayo wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibrahim Aadan Qabyo-Tire

Waftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Somaliland ee ku sugan Magaalada London ee Dalka Uk oo Xaflad soo dhawayn ah ay u sameeyeen Hablaha Reer London iyo Waliba abaal marino la gudoon siiyay.

Xaflad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Qaar ka mid ah Hablaha Reer Somaliland ee ku sugan Magaalada London ayaa waxa ay Soo dhawayn Mugleh ku qaabileen Wafti Miisan leh oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo tire oo ujeedada ay London u yimaadeen ay tahay wacyigalinta Abaaraha Somaliland iyo waliba sidii ay Bulshada Reer Somaliland ee Dalka UK ay Gurmadka Abaaraha Gacan uga gaysan lahaayeen.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahadnaqay Hablaha

Reer London ee iyagu Xafladdaa soo qaban qaabiyay ,waxa kale oo uu ka warbixiyay xaaladda abaareed ka jirta dalkii iyo sida ay mihiim u tahay in si wada jir ah la isaga kaashado Xaaladda Abaarta ee ka jirta Dalka Somaliland.

 

Wasiirku isaga oo hadalka sii wata Waxa uu ku hakaday in ay Daruuritahay in Danta Guud meel looga soo wada Jeedo ,isaga oo si qoto dheer uga hadlay Mashruuca Dakadda Barbara oo uu Wasiirku sheegay in uu yahay mid wax badan ka taraya Horumarka Somaliland,waxana uu sheegay suurta gal nimada in ay kusoo dhiiradaan Shirkado kale oo Somaliland Maal gashadaa,waxana uu Bulshada Somaliland ka codsaday in la taageero Mashruuca Maal galinta Barbara.
Mudane Maxamed Ibraahim Qabyo tire waxa uu Hoosta ka Xariiqay in ka wasiiro ahaan ay yihiin Wasiiro Reer Somaliland oo dhamaan shacbiga ay dhex u yihiin,waxana uu intaa Raaciyay in Xabagta isu keen haysaa ay tahay Somaliland,waxa kale uu oo uu ku dardaaray in laga shaqeeyo oo lagu adkaado in Dadka Somaliland ee Qurbaha ay midnimadoodu marwalba Xoogaanaato oo ay noqdaan Bulsho isku duubaan.

Geesta kale Mudane Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo Tire ayaa ka warbiyay, dhismaha Waddada isku Xidha Barbara ilaa Wajaale oo iyadana la filayo in ay Horumarka dhaqaale ee Somaliland qayb Mugleh ka qaadato.

Ugu danbayntii waxa shahaado sharafyo la gudoonsiiyay Xubnihii Wasiirada ee Waftiga ahaa,waxana Hablaha Reer Somaliland London Mid iyo shahaado Washaraf u Gudoon siiyeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka,Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Arimaha Dabadda iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada.