"Kulmiye Wuxuu Rayaale Ku Eedayn Jiray Xukuumad Wasiiro Badan,Laakiin Maanta Waa La Arkaa In Tiradii Wasiiradu Xadka Ka Baxday".Xildhibaan Cabdiraxmaan

0
Sunday January 08, 2017 - 15:56:48 in by salman abdi
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kulmiye Wuxuu Rayaale Ku Eedayn Jiray Xukuumad Wasiiro Badan,Laakiin Maanta Waa La Arkaa In Tiradii Wasiiradu Xadka Ka Baxday".Xildhibaan Cabdiraxmaan

    Hargeysa(AFKA);Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa inay wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa inay waxyaabo badan kaga wanaagsanayd Xukuumaddan, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan oo ay Xukuumaddan Kulmiye ku dhaliili jirtay Xukuumaddii UDUB, inay iyana sameeyso.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay in aanay Xukuumadda ka yeeli doonin muddo kordhin timaada oo bilaa sabab ah, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo is barbar dhig ku sameeynaya Xukuumaddihii hore iyo Xukuumadan "Kulmiye markii uu ahaa Mucaaradka, wuxuu Xukuumaddii UDUB, ee Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa


ku canbarayn jirtay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay Xukuumad Wasiiro badan, waxayna ku ololayn jireen "Waxaanu dhisi doonaa haddii aanu taladda dalka ku guulaysano, Xukuumad tiro yar balse tayo badan”, laakiin maanta waxaynu arkaynaa in Wasiiraddii, Wasiir ku xigeenadii, Wasiirul Dawlayaashii iyo Agaasimiyaashii ay tiro baleen, oo ay xadka ka baxeen, waxaynu arkaynaa in Hay’addihii Dawliga ahaa iyana tiro baleen, waxayna arkeen in La Taliyayaashii Madaxweynuhu ay tiro baleen, waxaynu ogeyn in Daahir Rayaale uu isku shandhayn aad u kooban u sameeyey, balse isku shandhayna uu Axmed Siillaanyo sameeyey xadkay ka baxday, xadhkahana wey go’astay,waxaanu ogeyn in Daahir Rayaale isku shandhaynta uu sameeynayo aan la sii ogaan jirin balse isku shandhaynta Xukuumaddan suuqyada ayaa laga sii ogaada, waxaanu ogeyn in Daahir Rayaale aanu wali xilka ka wada qaadin Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Wasaarad qudha wada jooga, oo mid ayuun buu xilka ka qaadi jiray, balse hadda waxaynu aragnaa in Wasaaraddo badan xilkii mar qudha laga wada qaaday Wasiirkii, Wasiir ku xigeenkii iyo Agaasimihii, xilka qaadista noocan oo kalena uma wanaagsana nidaamka dawladnimo, maxa yeelay xogtii Wasaaradda ayaa lumaysa, waxaanu ogeyn in Wasiir ama Masuul uu Daahir Rayaale xilka ka qaaday in aanu odhan jirin waxaad tahay xil suge, balse maanta waxaynu aragnaa in Wasiiro ama Masuuliyiin xilal laga qaaday inay mushaharka qaataan oo ay xilal sugayaal yihiin, waxaynu ogeyn in Daahir Rayaale tiraba afar Doorasho oo si nabadgalyo ah u dhacay inuu qabtay, balse waxa marag ma doon ah in Xukuumaddan Doorasho qudha oo ay dalka ka hirgalisay in dhiig ku daatay”.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey loolanka Xisbiyada ayaa yidhi "Xisbiga Kulmiye uu iskaga dab qaaday Gobolada Somaliland Barri ilaa Galbeed, isagoo ololaynaya olole sharci daro, Madax-dhaqameedka Somaliland waxay soo af jareen muran iyo khilaaf muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ka socday, oo u dhexeeyey Axsaabta, dadku aad buu u warwaray, maxa yeelay waxaynu ogeyn in Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani in gacan loola tagay,waxaanu ogeyn in Madaxda Xisbiyadu hadalo xanaf leh ay is weydaarsadeen, balse waa ILLAAHAY mahadii haddii Madax-dhaqameedkeenii uu murankaas soo af jaray”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey Warbaahinta ayaa yidhi "Dalka Riwaanda, dhibkii ku dhacay waxa horseed ka ahaa Warbaahinta, gaar ahaan Warbaahintooda Dawladda, maantana halkii laga doonayey in wax walba oo dhib ah in Warbaahinta dawladdu ka hortagto, oo danta qaranka ka shaqeeyso, ayeynu maraynaa in laga baahiyo wax aad looga xishoodo oo ah in Whatapp, lagu baahiyo, mana aha in cid gaar ah loo xidho Idaacadii iyo ama Telefishinkii Qaranka, oo uu noqdo wax uu shakhsi gaar ahi leeyahay, ee dadka dhex ha u ahaadan, oo ha ka feejignadaan wax walba oo dadka kala fogeynaya”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro inuu yahay masuulka saddexaad ee dalka ugu sareeya, gef iyo meel ka dhacna tahay in la ribayo oo wax aan ka suurtagalin in lagu sheego, sawiro been abuur ahna laga sameeyo.

Geeska