Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Adduunka Ugu Wanaagsan+SAWIRRO

0
Tuesday January 10, 2017 - 10:25:28 in by Burco Office
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Adduunka Ugu Wanaagsan+SAWIRRO

    Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican

eeThe Best FIFA Men’s Player of the Year wuxuuna abaal marintan kaga guulaystay xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo xafladan ka maqnaa iyo Antoine Griezmann oo ka tirsan kooxda Atletico Marid.

 

ronaldo3

Cristiano Ronaldo oo bishii December ku soo guulaystay abaal marinta Ballon d’Orka ee ay France Football bixisay ayaa markale hantay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee ay FIFA si gaar ah sanadkan u bixisay kadib markii ay kala baxeen France Football oo dib ula noqotay abaalmarinteedii Ballon d’Orka.

Markii uu abaal marintan ku guulaystay ayuu Ronaldo dareenkiisa ka helay wuxuuna markale ku celiyay in sanadkii 2016 uu ahaa sanadkii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa. Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula soo guulaystay koobabka UEFA Champions Leaque, UEFA Super Cup iyo Club World Cupka halka uu xulka qarankiisa Portugal la soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa yidhi: "Waa waxaan caadi ahayn, ma aha markii ugu horaysay, laakin markii ugu horaysay abaal marintan. Ugu horayn waxaa waajib igu ah in aan u mahad celiyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay ee Real Madrid iyo tababaraha Real Madrid. Waad ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad aniga ii qabateen. Sidoo kale waxaa igu waajib ah in aanu u mahad celiyo qoyskayga, walaaladay, hooyaday iyo dhamaan shaqaalahayga oo boqolkiiba boqol wax kasta aniga ii qabtay”.

Ronaldo oo ka hadlaya sanadkii 2016 ayaa yidhi:"2016 waxa uu ahaa sanadkii ugu fiicnaa waayahayga ciyaareed, shaki badan ayaan qabay laakiin waxaan filaa in dhamaadkii ay koobabka laftoodu hadlayaan. Waxaan gaadhay wixii ugu fiicanaa ee ugu suurtogalsanaa tartanka kadib markii aan sameeyay wixii aan ku guulaystay.Guulahani waa kuwo aan caadi ahayn ee heerka shaqsi .Lama rumaysan karo, anigu waligay ma ilaawi doono sanadkan.

Ronaldo ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:"Aad ayaan u faraxsanahay. qof kastowba waad mahadsan tahay. Xaqiiqdii anigu ma hayo wax kale oo aan ku daro,abaal marinta lafteeda ayaa hadlaysa , kaliya waan faraxsanahay, waan ka xumahay in dad Barcelona ka socdaa ayaa halkan ka maqan yihiin laakiin waa mid la fahmi karo”.