Deg Deg;Amaanka Muqdisho Oo Ad Lo Adkeyay Iyo Jidadka Muhiimka Ah Ee Magalada Muqdisho Oo Xidhan.

0
Wednesday January 11, 2017 - 09:50:13 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Amaanka Muqdisho Oo Ad Lo Adkeyay Iyo Jidadka Muhiimka Ah Ee Magalada Muqdisho Oo Xidhan.

    Iyadoo maanta lagu wado in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa siweyn loo adkeeyay amniga magaalada, waxaana xiran jidad muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maanta lagu wado in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa siweyn loo adkeeyay amniga magaalada, waxaana xiran jidad muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Jidadka Maka Al-Mukamarama, Taleex, wadadda Tarbunka iyo jidad kala oo halbowle u ah isku socodka dadka ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo dadka iyo gadiidka intaba u diidaya dhaqdhaqaaqa jidadkaas si looga hortago falal amaan darro oo dhaca inta ay socta doorashada guddoonka baarlamaanka.

Dadka reer Muqdisho oo wax badan ka bartay xaalada caasimada xiliyada ay jiraan kulamada muhiimka ah ayaa ka sii warqabay in maanta oo kale la xirayo jidadka muhiim ah, sidaa daraadeed waxaa yar dhaqdhaqaaqa dadka goobaha amnigooda sida weyn loo sugayo.

Doorashada ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacdo xarunta gollaha shacabka oo si gaar ah amnigeeda loo sugay, waana doorasho marka la eego ka xiiso iyo xaamasad badan doorashooyinkii horey dalka uga soo dhacaya marka la eego miisaanka siyaasadeed oo ay dalka ku leedahay iyo waliba musharixiinta ku hardamaya oo ay adag tahay in saadaal laga sii bixiyo.