Barcelona Oo Iska Xaadirisay Sideed Dhamaadka Copa Del Rey, Balaugrana Oo Dhinaca Kale U Dhigtay Natiijadii San Mames Xili MSN Ay Dhulka Jiideen Athletic Bilbao

0
Thursday January 12, 2017 - 03:50:09 in by Burco Office
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Iska Xaadirisay Sideed Dhamaadka Copa Del Rey, Balaugrana Oo Dhinaca Kale U Dhigtay Natiijadii San Mames Xili MSN Ay Dhulka Jiideen Athletic Bilbao

    Ciyaarta ayaa ku bilaabtay qaab aad u adag isa markaana ay labada kooxood taakalo adag isku qabanayeen isla markaana si xoogan loogu tartamayay kubbda laakiin Barcelona ayaa iyada oo cadaadis ku ciyaaraysa kubbada isku dhiibinaysay waxayna dagaal ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaarta ayaa ku bilaabtay qaab aad u adag isa markaana ay labada kooxood taakalo adag isku qabanayeen isla markaana si xoogan loogu tartamayay kubbda laakiin Barcelona ayaa iyada oo cadaadis ku ciyaaraysa kubbada isku dhiibinaysay waxayna dagaal ugu jirtay in ay xili

horeba goolal raadiso laakiin Athletic Bilbao oo kaliya u baahnayd in ay ilaashato natiijadii ay guusha ugu soo gaadhay kulankii San Mames ayaa doonaysay in ay Barca xaalada ku sii xumayso.

DAQIIQADII 26 AAD GOOOOOOOOO….??? Alla muxuu go’aan qaldan ahaa! Inkaarta Barcelona ka haysata garsoorka ayaa sii laba jibaarantay kadib markii uu Luis Suarez uu dhaliyay gool sharci noqon lahaa isla markaana loo diiday in uu offside ku jiray laakiin xidiga ree Uruguay ayaa u qaadan waayay in goolkiisa la diiday. Xaqiiqdii waxa uu ahaa gool si qurux badan looga shaqeeyay balse waxa uu noqday mid aan natiijada ciyaarta waxba ka badalin. Jamaahiirta Barcelona ayaa qaylo markaliya Camp Nou ku gilgilay iyaga oo si cadaan ah u muujiyay niyadjabka ay ka qaadeen goolk kooxda laga diiday.

DAQIIQADII 30 AAD Athletic Bilbao ayay dhibaato dhawac soo gaadhay kadib markiiXabier Etxeita uu qalad xun ku galay Neymar JR laakiin isaga ayuu soo gaadhay dhaawac muruqa ahi waxaana lagu soobadalayGorka Elustondo Urkola. Barcelona ayaa markan si dhab ah u bilawday in ay dhibaato ku abuurto Bilbao.

DAQIIQADII 35 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!Luis Alberto Suárez ayaa kooxdiisa Barcelona u keenay goolka ay sida wayn ugu baahnayd isaga oo qaab duulaysa oo laba lugoodley ah ku dhaliyay kubbad ay Messi iyo Neymar door wayn ka soo ciyaareen wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 100 aad ee uu Luis Suarez udhaliyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna sidoo kale noqday goolkii 300 aad ee MSN ay dhaliyeen tan iyo markii uu Luis Suarez kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray Barcelona. Goolkan ayaa Barcelona ka caawiyay in ay Athletic Bilbao ku qasabto in ay ka soo baxdo difaaca iyada oo Barca markan noqotay kooxda wareega sideed dhamaadka ugu soo bixi kartay goolkii martida ahaa ee San Mames.

Barcelona ayaa fursado badan u abuurtay sidii ay kula iman lahayd goolkeeda labaad laakiin Bilbao ayaa awooday in ay si adag iskaga difaaca halista weerarka Barcelona waxayna qaybtii h--e ee kulankan lagu kala nastay iyada oo Barcelona 1:0 hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu tababaraha Atheletic Bilbao uu sameeyay badalkiisa kowaad wuxuuna ciyaarta ka saaraySabin Zuloaga isaga oo kaydka uga yeedhay xidiga dhibaatada badan Barcelona ku soo abuuray kulankii h--e eeAritz Aduriz.

DAQIIQADII 47 AAD REKOODHE!! Xidiga Athletic Bilbao eeBoveda ayaa kooxdiisa dhibaato u horseeday kadib markii uu qalad xun ku galay Neymar JR taas oo garsooraha u diiday in uu wax kala doorasho ah helo wuxuuna tilmaamay rekoodhe, waxayna Barcelona heshay fursadii ay goolka labaad kula iman lahayd.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!Neymar Junior oo muddo ka qatanaa gool dhalinta kooxdiisa Barcelona ayaa qaatay kubbada qaladeedkeeda isaga lagu galay wuxuuna dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay muddo dheer oo uu gool dhalinta ka soomaranaa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 51 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Athletic Bilbao ayaa markeeda neefta dib ugu celisay Camp Nou kadib markii ay heshay goolkeeda furitaanka ee ay ku barbaraysay natiijada celcelis ahaanta isku darka labada kulan waxaana goolkan u saxiixayEnric Saborit Teixidor kaas oo natiijada kulankan ka dhigay 2:1 ay Barcelona hogaanka ku haysay balse natiijada guud ahaa noqotay barbaro 2:2 ah.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!Lionel Andrés Messi ayaa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah dhaliyay kubbad laaga xorta ah wuxuuna markale kala dhantaalay goolhayaha Athletic Bilbao ee Iraizoz oo uu horena kulankii San Mames ugaga soo dhaliyay gool laaga xorta ah ku yimid wuxuuna Messi kooxdisa ka saaray jeelka dhibta badnaa ee ay Bilbao cadaadiska ku saaraysay waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Barca hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Lionel Messi ayaa barbareeyay rekoodhkii abid uu ciyaartoy Barcelona ahi goolasha ugu badan ku dhaliyay kubabdaha laaga xorta ah waxaana rekoodhkan haystay tababaraha hadda ee kooxda Everton ee Ronald Koeman kaas oo Barcelona u soo dhaliyay 26 gool oo laaga xorta ah uu ku dhaliyay waana rekoodh ay hadda wadaagaan Lionel Messi.

Laakiin Athletic Bilbao ayaan markanaba madaxeeda hoos aadin waxaana in ay soo baxdo ka xigay gool dhaliya oo ay Camp Nou kula timaado taas oo walwal wayn ku haysay kooxda Luis Enrique oo fursado cajiib ah oo ay ciyaarta ku dili lahayd iska lumisay.

DAQIIQADII 84 AAD Neymar Jr ayaa u muuqday in uu ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu dhawr ciyaartoy oo Bilbao ah uu kubbada ka farsamaystay laakiin darbadii ugu danbaysay ee goolka afraad ayay birta goolku ka beenisay. Garsooraha kulankan oo uu culays wayni saarnaa ayaa u muuqday mid si xoogan uga taxadarayay wax muran shaqadiisa galin kara isaga oo si xoogan labada kooxoodba uga ilaalinayay in ay wax qaladaad ah galaan.

Athletic Bilbao ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta sii dagaalamaysay waxayna doonaysay inay hal gool oo kugo ah ay ka dhaliso Barcelona si ay uga cidhibtirto tartanka Copa Del Rey balse kooxda Luis Enrique ayaa markan iska ilaalisay in ay wax qalad ah samayso waxayna awooday in ay 3:1 dhinaca kale ugu dhigto natiijadii kulankii San Mames waxayna iska xaadiriyeen wareega sideed dhamaadka Copa Del Rey.