Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Maqaayad kutaala magaalada Belad-weyne

0
Thursday January 12, 2017 - 04:03:22 in by Burco Office
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Maqaayad kutaala magaalada Belad-weyne

    Qarax xooggan ayaa goor dhow oo caawa ah abaarihii 9:40 daqiiqo fiidnimo waxaa uu ka dhacay maqaahi shaaha laga cabo oo ku taala magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xooggan ayaa goor dhow oo caawa ah abaarihii 9:40 daqiiqo fiidnimo waxaa uu ka dhacay maqaahi shaaha laga cabo oo ku taala magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday dhashay miino lagu aasay maqaayadan oo ku taallla xaafada Nuur xawaad, waxaana fariisan jiray askar iyo dad shacab ah intaba.

Ugu yaraan hal ruux ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay qaraxan halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo intooda badan ku sugnaa maqaahidan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in sidoo kale qaraxan uu geystay burbur xoogan oo soo gaaray maqaahidan iyo qalabkii yiilay sida kuraastii iyo miisaskii oo burburay.

Ciidamada amaanka maamulka magaalada Balad weyne ayaa gaaray goobta uu weerarkani ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano, mana ahan markii ugu horeysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco magaaladaas.

Wixii Warar AH Ee Ka Soo Insha Ku Hay Afkashacabka