Doonni Siday Ku Dhawaad 600 Oo Neef Oo Ku Degtay Badda Berbera.

0
Thursday January 12, 2017 - 04:11:20 in by Burco Office
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doonni Siday Ku Dhawaad 600 Oo Neef Oo Ku Degtay Badda Berbera.

    Doonni lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor lagu shirqaatey dekedda Magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doonni lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor lagu shirqaatey dekedda Magaalada Berbera

 iyadoo siddey 593 Dibi oo ay leeyihiin ganacsato Reer Somaliland ahi una sii jeeddey dhinaca dekedda Salaala ee Waddanka Cummaan ayaa gelinkii danbe ee xalayto ku degtey meel u dhow Dekedda Salaala ee ay kusii jeeddey.


Doonnidan iyo xoolihii saarnaa ayaa gebi ahaantood baddu liqday sida uu Idaacadda BBC u sheegay Wakiilka Doontaas degtey C/raxmaan Cali Warsame halka shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyey.

 

Wararka dheeraadka ah ee kusaabsan doonnidan degtey qaarkood ayaa sheegaya in dabaylo badda ka dhacayey sababeen in doonnidaasi degto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in dab qabsaday awgeed ay doonnidaasi u degtey.