Safiirkii Imaaraatka Ee Dalka Afghanistan Oo Ku Dhaawacmay Qarax Dhimasho Badan Geystay+Sawiro

0
Thursday January 12, 2017 - 04:16:26 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Imaaraatka Ee Dalka Afghanistan Oo Ku Dhaawacmay Qarax Dhimasho Badan Geystay+Sawiro

    Ugu yaraan konton ruux oo ay ku jiraan shan ruux oo ahaa shaqaale gargaar oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhintay weerar bam oo ka dhacay magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan konton ruux oo ay ku jiraan shan ruux oo ahaa shaqaale gargaar oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhintay weerar bam oo ka dhacay magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan. Qaar ka mid ah dadkii badbaaday oo sheegay in bamka lagu hoos qariyay kuraasta lagu fariisyo ee taalay guriga martida.

Qaraxu wuxuu Talaadadii ka dhacay guriga martida ee Gudoomiyaha magaalada Gandahaar halkaasoo ay dad kalena ku dhinteen.

Gudoomiyaha iyo safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dad badan oo ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo gudoomiye ku-xigeenkii Gandahaar uu maanta oo Arboco ah u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxaasi wuxuu ka mid ahaa dhawr qarax oo Afghanistan ka dhacay Talaadadii waxaana qaarkood sheegtay kooxda Taliban inkastoo weerarka Kandahar ay iska diideen iyagoo ku eedeeyeen Kooxo kale.









Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com