War Deg Deg Ah:Suuq Kamida Suuqyada Waaweyn Ee Magaalada Haregysa Oo Shaaciyey Inay Joojinayaan Isticmaalka Shilinka Somaliland

0
Thursday January 12, 2017 - 04:20:13 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Suuq Kamida Suuqyada Waaweyn Ee Magaalada Haregysa Oo Shaaciyey Inay Joojinayaan Isticmaalka Shilinka Somaliland

    Guddida ganacsatada suuqa weyn ee Waaheen, ayaa cabasho weyn ka muujiyey qiime dhaca ku habsaday shilinkii Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida ganacsatada suuqa weyn ee Waaheen, ayaa cabasho weyn ka muujiyey qiime dhaca ku habsaday shilinkii Somaliland,

waxana ay shaaca ka qaadeen in haddii ay sidan kusii socoto ay gebi ahaanba joojin doonaan isticmaalka lacagtaas.


Guddidan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa madaxweynaha farriin adag u diray, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inuu dalku noqday gobol Maraykanka kamid ah,"Waxa meesha ka baxday jiritaanka shilinka Somaliland, waxana aanu madaxweynaha leenahay waxanu kuu igmanay jiritaanka dalka ee muu ahayn burburinta Somaliland, waxana maalintii aanu ku dooranay noo shaqayn jirey, 50 slshl,100slshl,500slshl iyo 1000slshl, maantase waxa gacantayada kusoo hadhay 1000slsh iyo 500,000slsh, waxana maanta na haysa kiradii oo Dollar ah, Laydhkii oo Dollar ah, Waxbarashadii oo Dollar ah iyo caafimaadkii oo Dollar ah, Somaliland-na waxa ay noqotay gobol Maraykanka kamid ah, waxana meesha ka baxday Somaliland tii aanu u halgamaynayā€¯ sidaas waxa yidhi mid kamid ah guddida ganacsatada suuqa Waaheen.

Xubnahani waxa ay intaas ku dareen in madaxweynuhu hagraday wax kaqabashada xaaladda qiime dhaca ah ee lacagta dalka ku dhacday, waxana ay tilmaameen inay muuqdaan fursado badan oo arrintaas wax lagaga qaban kari lahaa oo la iska indho tiray.

Waxa ay xuseen in noloshii dadku meel halis ah marayso, isla-markaana gurmad ballaadhan loo baahan yahay, iyada oo madaxweynahana ka codsaday inuu gudo galo tallaabooyin lagu badbaadinayo qiimaha shilinka dalka ee meesha kasii baxaya.