Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Iney La Xoojiyaan Gurmadka Abaaraha Dalka Jira

0
Thursday January 12, 2017 - 15:54:02 in by Burco Office
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Iney La Xoojiyaan Gurmadka Abaaraha Dalka Jira

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),

 ayaa sheegay in abaartu ay daba dheeratay, dalka oo dhana ay ku baahday, wuxuu ku taliyey in dadaalka loogu jiro gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu hayaan in la xoojiyo.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Wargeyska Geeska Afrika Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn yidhi "Abaartu wey daba dheeratay, dalkiina wey wada saameysay, haba u sii darnadaan Gobolada Barri,xoolihii wey dhimanayaan,dadkiibaana khatar ku jira, oo Roobkii aynu filaynay inuu da’o muu di’in, bilaha soo socdana ma filayno inuu Roob da’o, madaama aynu Jilaal galnay, balse haddana ILLAAHAY waxba lama ogin, ILLAAHAY baana wax walba og oo ka war qaba, balse madaama aynu nahay dad Islaam ah oo ILLAAHAY siiyey nimcada islaamanimada, marnaba kama quusanayno nimcadiisa iyo naxariistiisa, abaartuna waa imtaxaan ee waxaynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo uu inoo naxariisto, cid la bariyo waxa ugu wanaagsan ILLAAHAY, markaas aynu ILLAAHAY u barino”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar uu la hadlaayey guud ahaan Shacabka reer Somaliland wuxuu yidhi "Shacabka reer Somaliland waa Shacab aad iyo aad u wanaagsan, oo is caawiya, oo isku gurmada, waxaana ku gubaabinayaa inay mar kasta sidaas isku caawiyaan, oo mid noqdaan, oo waliba iyagoo caawiyey waxna u taray dadkooda ay abaartu hayso, haddana inay halkaas dadaalka ka sii wadaan, oo mar walba isku duubadaan”.

Dhanka kale wuxuu Wasiirka Arrimaha Gudduhu Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), sheegay in ka Xukuumad ahaan ay wadaan gurmadka dadka ay abaartu hayso, siina wadayaan, waxaanu Hay’addaha Caalamiga iyo Beesha Caalamka uu ugu baaqay in gurmad deg deg ah la soo gaadhan dadka reer Somaliland ee abaartu hayso.