Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka banneeyo, dagaalna qarka u saaran

0
Saturday January 14, 2017 - 10:33:17 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka banneeyo, dagaalna qarka u saaran

    Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dalka isaga baxay ka dib markii madaxda galbeedka Afrika ay ku fashilmeen inay Yaxya Jammeh ay la heshiiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dalka isaga baxay ka dib markii madaxda galbeedka Afrika ay ku fashilmeen inay Yaxya Jammeh ay la heshiiyaan.

Jammeh ayaa la weydiistay in 19-ka bishan oo xilka wareejiyo, balse wuu diiday soo jeedintaas.

Adama Barrow wuxuu la safrayaa wafdi heer gobol ah oo ka socda ECOWAS.

Waxay u safreen dalka Mali, halkaas oo la filayo in wadahadallo dheeraadka ah ay ka dhacaan.

Ciidamada Senegal oo diyaar u ah inay Jammeh meesha ka saaraan

Hogaamiyaha Gambia oo diiday natiijadii doorashada

Maxkamadda sare ee Gambia oo dhageysandoonto muranka doorashada

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Maxamed Ibnu Jambas, wuxuu u sheegay golaha amniga in ECOWAS ay raadineyso in UN loo ogolaado inay ciidamo geyso Gambia.

Wuxuu Golaha u sheegay sidoo kale, in dalalka Galbeedka Afrika ay shaki la'aan adeegsan doonaan waxkastoo ay awoodaan "si rabitaanka shacabka Gambia loo taageero".

Waxyaabaha ay sameyndoonaan waxaa ka mid ah inay awood adeegsadaan.

Kumannaan qof oo shacab ah ayaa billaabay inay dalka Gambia ka qaxaan ayagoo ka cabsi qaba dagaal inuu dhaco.

Badankooda waxay u cararayaan dalka deriska la ah ee Senegal.

Qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Galbeedka Afrika oo shalay la kulmay Yaxya JammehLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Galbeedka Afrika oo shalay la kulmay Yaxya Jammeh

Dalalka Midowga Afrika ayaa shalay sheegay in aysan madaxwaynaha Gambia u aqoonsan doonin Yahya Jammeh wixii ka dambeeya 19 bishan, markaas oo uu dhamaanayo xilkiisu.

Gollaha Ammaanka iyo nabadda ee Midawga Afrika ayaa ka digay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono haddii ficilka Jammeh uu horseedo in ay u dhintaan dad aan waxba galabsanin.

Midawga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in laamihiisa ammaanku ay is xakameeyaan.

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqday dalka Gambia isaga oo hogaaminaya wafdi ka socda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Hogaamiyaha Gambia oo diiday natiijadii doorashada

Baarlamaanka Nigeria oo u codeeyay in Jammeh megengelyo la siiyo

Waana tallaabadii u dambaysay ee Jammeh culays lagu saarayo si uu xilka ugu wareejiyo ninka ay is hayaan ee Adama Barrow oo ku guulaystay doorashada madaxwayne nimada ee dalkaas ka dhacday bishii hore.

Adama ayaa BBC-da u sheegay in madaxwayne nimada loo dhaarin doono todobaadka soo socda wuxuu Jammeh ugu baaqay in uu la xaajoodo dhexdhexaadiyeyaasha.