Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Cadaado iyo Xildhibaanada Galmudug Oo Cabsi lasoo Daristay

0
Saturday January 14, 2017 - 14:23:07 in by Burco Office
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Cadaado iyo Xildhibaanada Galmudug Oo Cabsi lasoo Daristay

    Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan ay wali ka jiro magaaladaasi, waxaana shirar magaaladaasi wali ku leh Xildhibaanada Galmudug ee dhawaan Kalsoonida kala noqday C/Kariin Xuseen Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan ay wali ka jiro magaaladaasi, waxaana shirar magaaladaasi wali ku leh Xildhibaanada Galmudug ee dhawaan Kalsoonida kala noqday C/Kariin Xuseen Guuleed Xildhibaanada ayaa shirkooda caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Cadaado, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in Xildhibaanada looga hor istaago in ay kulamo ku yeeshaan magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan magaalada Cadaado gaar ahaan xarunta Madaxtooyada, waxa uuna wadaa dadaalo uu ku doonayo in uu ugu yaraan ku kala fur furo Xildhibaanada kasoo horjeeda ee dhawaan xilka ka qaaday.

C/Kariin Xusen Guuleed ayaa sidoo kale kulamo la leh waxgaradka magaalada Cadaado kuwaa uu kala hadlayay sidii loo dejin lahaa xiisada siyaasadeed ee kacsan ayna gacan uga geesan lahaayeen sii jiritaankiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dareemayaan cabsi xoogan oo lasoo daristay tan iyo markii ay kalsoonida kala noqdeen C/Kariin Guuleed, waxa ayna tilmaameen in Ciidamo badan magaalada la keenayay la iskuna dayayayo in lagu cabsi galiyo.

Xaalada Siyaasadeed ee maamulka Galmudug ayaa wali ah mid kacsan, waxa ayna xildhibaanada Galmudug ku adkeesanayaan in ay sharci tahay xil ka qaadistii ay dhawaan ku sameeyeen Madaxweynihii maamulkaasi C/Kariin Guuleed.