War Deg Deg Ah:Ilmo Yar Oo Harraad Dartii Ugu Geeriyooday Deegaan Hoos Yimaada Coodanle Xaaladda Deegaanada Buuhoodle Oo Meel Adag Maraysay

0
Saturday January 14, 2017 - 14:29:10 in by Burco Office
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Ilmo Yar Oo Harraad Dartii Ugu Geeriyooday Deegaan Hoos Yimaada Coodanle Xaaladda Deegaanada Buuhoodle Oo Meel Adag Maraysay

    Ilmo yar oo saddex jir ah ayaa la sheegay in uu haraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday deegaan hoos yimaada Coodanle ee gobolka Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilmo yar oo saddex jir ah ayaa la sheegay in uu haraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday deegaan hoos yimaada Coodanle ee gobolka Buuhoodle.

Qoyska ilmahan yar ka dhashay ayaa la sheegay in yihiin qoys dan yar ah iyaga oo aan muddo afar Caano Maal ah-na wax biyo ah cabin,waxaana  kadib markii ay waayeen biyo ay cabaan  aabaha qoyskani uu socdaal dheer u galay sida la sheegay Riig Biyoodka deegaanka Coodanle si uu qoyskiisa biyo ugu soo qaado.

Waxaana intii uu Biyaha ugu maqnaa haraad iyo gaajo u geeriyooday ilmahan yar oo da’diisa lagu qiyaasay 3 jir isla markaana lagu magacaabi jirey Cabdi Diiriye Dhagawayne.

Deegaanka Coodanle  ayaa ah deegaan ay iskugu soo hayaameen qoysas tiro badan oo kasoo kala hayaamay deegaanada bariga Somaliland,waxaana adkaaday sidii biyo looga heli lahaa riig biyoodkii ay xukuumadda Somaliland ka hir galisay deegaankaasi kadib markii ay bateen dadkii deegaankaasi usoo hayaamay,waxaana xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada gobolada bariga Somaliland ay maraysaa meel adag oo u baahan in gurmad iyo taakulo deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu caydheeyeen.