Ciidamada dowladda oo niyad badan aanan haynin ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho

0
Saturday January 14, 2017 - 16:25:33 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo niyad badan aanan haynin ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho

    Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada Somaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka dowladda Somaliya ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin mushaar la'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada Somaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka dowladda Somaliya ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin mushaar la'aan.

Khaalid ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidanka xoogga aysan mushaar qaadan muddo ku dhow 7 bilood.

Liiska Wasaarada Maaliyadda ayuu sheegay in ay ku cadahay in aysan mushaar qaadan shaqaalaha dowladda.

Inta badan ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo ah xubnaha ugu muhiimsan shaqada dowladnimada Somaliya ayaa la sheegaya in mushaarka ay ku shaqeeyaan uu ka maqnaado muddo badan.

Xilliyada kala guurka ah ayaa ah waqtiyada


ugu badan oo ay shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka Xoogga dalka aysan qaadan mushaarka.

 

Ciidamada dowladda oo niyad badan aanan haynin ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho, iyadoo ay ka muuqato duruufo kala duwan oo dhanka nolosha ah, maadaama qarashaadkii yaraa ee Mushaarka u ahaa muddo bilooyin ah aanan la siinin.

Sources: universalsomalitv