Tartanka Koobka Qaramada Afrika oo billowday

0
Sunday January 15, 2017 - 09:54:01 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Koobka Qaramada Afrika oo billowday

    Dalka Gabon waxaa ka billowday tartanka Koobka Qaramada Afrika oo ah tartanka ugu weyn qaarada Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Gabon waxaa ka billowday tartanka Koobka Qaramada Afrika oo ah tartanka ugu weyn qaarada Africa.

Dalka martigelinaya koobkan ayaa ciyaarta ugu horaysay la yeelanaya dalka Guini-Bissau. Kooxda Gabon waxaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin kooxaha ugu liita ee ka qeybgelaya tartankan.

Halkan kala soco isku-aadka iyo natiijooyinka

Tartankan ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto dalka Liibiya, balse dagaalada ka socda dalkaasi dartood ayaa qasbay in loo wareejiyo dalka Gabon.

Tababarayaashu Maxay Yiraahdeen?

Tabaraha Gabo, Jose Antonio Camacho:"Tartankan dhammaan kooxuhu way adagyihiin. Waa in aan ciddiyaha iyo ilkaha ku dagaalanaa. Haddii Guinea-Bissau ay guuleysato waxaa ugu wacan in diyaargarowgoodu kk ka fiicnaa keena. Balse inganua cadaadiska iyaga heysto nama heysto maxaa yeelay gurigeena ayaan ku dheeleynaa."

Tabaraha Guinea-Bissau Baciro Cande:"Mar hore ayaan illawnay wixii aan kala kulanay isreeb-reebka. tartankan wuu ka duwanyahay kuwii hore. Kalsooni ayaa qabnaa maxaa yeelay waxaan aaminsanahay kooxdeena. Waan ku faraxsanahay in aan ciyaarahani qeyb ka nahay."

Gabon waxaa sidoo kale tartankan lagu qabtay sanadkii 2012-kii. Lix iyo tobonka kooxood ayaa tartanka ka qaybgalaya. Waxaana isha si weyn loogu hayaa waddamada Masar,Algeria,Senegal iyo Ghana.

Mas'uuliyiin ka socota dalka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo ayaa dalkaasi Gabon u safray si ay wax uga qabtaan ciyaartoyda dalkaasi ka socoto oo ka gadooday lacago loo diiday.