Wasiirka Wasarada Qorshaynta Somaliland Qabyo-Tirre iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Saaka Kasoo Degay Madaarka Hargeysa, kana Warbixyay Safar Ay ugu Maqnayen Dalka Debadiisa+Sawiro

0
Sunday January 15, 2017 - 10:33:54 in by salman abdi
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasarada Qorshaynta Somaliland Qabyo-Tirre iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Saaka Kasoo Degay Madaarka Hargeysa, kana Warbixyay Safar Ay ugu Maqnayen Dalka Debadiisa+Sawiro

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasarada Qorshaynta Somaliland Qabyo-Tirre iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Saaka Kasoo Degay Madaarka Hargeysa, kana Warbixyay Safar Ay ugu Maqnayen Dalka Debadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasarada Qorshaynta Somaliland Qabyo-Tirre iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Saaka Kasoo Degay Madaarka Hargeysa, kana Warbixyay Safar Ay ugu Maqnayen Dalka Debadiisa.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Maxamed Ibrahim aadan(Qabya-Tirre) iyo Wafti uu hogaaminayay oo mudooyinkii ugu danbeeyay safar Shaqo ugu maqnaa Dalka Debadiisa ayaa maanta Kasoo Degay Madaarka hargeysa,

Waftigan oo ka koobnaa Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland maxamed Ibrahim Aadan(Qabyo-Tirre), Wasiirkuxigeenka Wasaarada Arimaha Debada Axmed Kayse, Wasiirkuxigeenka Wasaarada Madaxtooyada, Axmed xaashi Iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xasan Daahir,

Waftidan Oo mudooyinki udanbeeyay Socdaal shaqo ugu maqnaa Qaarkamida Wadamada Carabta Iyo Yurub, Ayaa Waxa Faahfaahin Ka Bixiyay Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tirre, Waxaana Wasiirku Xusay Ujeedada ugu Weynayd Ee Safarkoodu inuu Ahaa Sidii Gurmad Iyo Taakulo looga Geysan Lahaa Abaaraha baahsan Ee ka Jira Wadanka.

Waxaana Wasiirka iyo waftigiisu Ay Soo Mareen Wadamada Qatar, Emaratka Carabta, Iyo UK Oo ay Mudooyinkii Udanbeeyay ku Sugnaayeen, Isla Markaana Guulo wax Ku oola Kala yimaadeen ,Waxaana Wasiirku Sheegay inay La Kulamo kala Duwan La Qaateen Qaarkamida Masuuliyiinta Emaratka Carabta iyo Uk isla Markaana Ay Balanqaadyo Waaweyn Usameeyeen inay Taakulo Ka Geystaan Sidii loogu Gurman Lahaa Dadka iyo Duunyada Ay Abaaruhu Saameeyeen.

Wasiirku Qorshayntu Waxa kale oo uu Carabaabay inay Kulamo Waaweyn La Qaateen Qurbajoogta Wadamada Qatar, Emaratka Iyo UK Isla Markaana Ay Jawaab Degdega Kasoo Bixiyeen hawshii Ay usocdeen Ee gurmad Abaaraha, Isagoo Wasiirku Xusay inay Jaaliyadahaasi Siweyn Uga Soo Qaybqaateen iskana Soo Ururiyeen Lacago Badan oo ay kaga Qaybqaadanayaan Taakulaynta Dadkooda Abaaruhu Haleeleen.

Lasoco Goor Dhow Qudabada Wasiirka oo Faahfaahsan.Image may contain: 6 people, people standing, suit and outdoor


Image may contain: 3 people, people standing, suit and sunglasses