Maxaabiis Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Xabsi Ku Yaalla Dalka Brazil.

0
Monday January 16, 2017 - 10:45:12 in by Burco Office
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Xabsi Ku Yaalla Dalka Brazil.

    Ugu yaraan 10 maxbuus ayaa lagu dilay dagaal ka dhex qarxay kooxo budhcad ah oo iska soo horjeeday kuwaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 maxbuus ayaa lagu dilay dagaal ka dhex qarxay kooxo budhcad ah oo iska soo horjeeday kuwaasi

oo ku dhex dagaalamay xabsiga ugu weyn magaalada Natal ee waqooyi bari Brazil, sida ay boolisku sheegeen.
14 saacadood ayey boolisku ku qaadatay inay dib gacanta ugu soo celiyaan xabsiga Alcacuz.

_93575199_84046d87-5da1-4994-9744-e3519f480200

"Howlgalku weli waa uu socdaa hasayeeshee xaaladdu waa deggan tahayā€¯, afhayeen ayaa sidaa u sheegay BBC Brasil.
Waa qalalaasihii saddexaad ee weyn ee sanadkan ka dhaca xabsiyada dalka Brazil.
Ku dhawaad 100 maxbuus ayaa ku dhimatay qalalaase bishan ka dhacay xabsiyada gobollada Amazonas iyo Roraima.
Qalalaasaha ka dhex dilaacay xabsiga Alcacuz, ee gobolka Rio Grande Do Norte, ayaa bilowday galabnimadii Sabtida, markaa oo xubno ka tirsan mid ka mid ah ururada dambiilayaasha ah ee awoodda badan ee ku jira inta badan xabsiyada Brazil ay weerrareen koox ay iska soo horjeedaan oo ku sugneyd dhinaca kale ee xabsiga.