Sheekh Berberaawi oo Bulshada uga Digey Qoraalada Ibraahin Hawd soona bandhigay sirta ka danbaysa qoraaladiisa

0
Monday January 16, 2017 - 23:20:57 in by salman abdi
  • Visits: 2735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Berberaawi oo Bulshada uga Digey Qoraalada Ibraahin Hawd soona bandhigay sirta ka danbaysa qoraaladiisa

    Sh Cabdilahi xusen Barbaraawi ayaa Dhalinyarada Somaliland iyo guud ahaanba ummada islaamka ah uga digay shakhsiyaad uu sheegay in loo soo adeegsaday sidii ay iimaanka muslimiinta u daciifin lahaayeen uguna horseedi lahaayeen gaalnimo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh Cabdilahi xusen Barbaraawi ayaa Dhalinyarada Somaliland iyo guud ahaanba ummada islaamka ah uga digay shakhsiyaad uu sheegay in loo soo adeegsaday sidii ay iimaanka muslimiinta u daciifin lahaayeen uguna horseedi lahaayeen gaalnimo,

shakhsiyaadkan ayuu sheekhu sheegay inay soomaalida ku soo badanayaan beryahan danbe isla markasna loo baahanyahay inay il gaar ah ku hayaan dhalnyrada iyo aqoonyahanku.

Sheekha oo Muxaadaro Qiimo Badan Hoolka jaamacadda Badda ee Berbera ugu jeedinayay Boqolaal dhalinyaro ah ayaa si gaar ah u tilmaamay in Ninka la yidhaa IBRAAHIN HAWD oo bulsho badan ay ka wada xidhiidhaan facebookga uu beryihi u danbeeyey soo qorayey qoraalo gaalnimo ah isl amarkaasna dadka aan aqoonta badan diinta islaamka u lahayn shaki gelinaya.

Sheekha ayaa intii badnayd muxadardiisu ku saabsanayd ka hadalka qoraalo uu mudooyinkan danbe bartiisa facebook ku baahinayey Ibraahin Hawd, isagoo sheekhu tilmaamay in farshaxanimadiisa qoraalka af soomaliga iyo aqoon kooban oo uu bartay uu ku dagayo (majaro habaabinayo)dhalinyaro badan oo ay isku xidhan yihiiin.

Sheekh Berberaawi ayaa dhalinyrada usoo jeediyey inay aad u bartaan diinta islaamka isago xusay inay barashda diintu tahay wajib sharci ah, waxanu ku waniyey inaanay rumaysan qoraalada ninkaas iyo inta la fikirka ah ee diintooda shakiga ka gelinaya isla mrkaasna ay meel uga soo wada jeestaan ka hortegista arrimaha noocan ah ee inagu soo badanaya.

Gebogabadi sheekhu wuxu ku taliyey in dhalinyaradu ay iska daayaan qoraalada afsoomaliga ah ee aan miisaanka badan xambaarsanayn isagoo duray buugaag badan oo afsoomali lagu qoray oo uu ka mid yahay 10x10 Toban Tallaabo hore u qaad oo uu qoray Maxamed Cali Bile.’



 

Afkashacabka.com

Berbera /Office