Booliska Turkiga oo qabtay nin lagu eedeeyay weerarkii Istanbul

0
Tuesday January 17, 2017 - 10:40:55 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Turkiga oo qabtay nin lagu eedeeyay weerarkii Istanbul

    Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qabteen ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istaanbuul, weerarkaasi oo dhacay billowgii sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qabteen ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istaanbuul, weerarkaasi oo dhacay billowgii sanadkan.

Boolsika ayaa u dhacay guri uu ninkan ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen dad kale oo la sheegay in ay halkaasi joogeen.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Masharipov ayaa da'da lagu sheegay 34 sano jir, waxuuna u dhashay dalka Uzbekistan.

Sawirro muuqaal ah oo la soo bandhigay ayaa muujinaya ninkan oo dhiig uu ka socdo wajigiisa. Baaritaan caafimaad ayaa lagu samayn doonaa ninkan la tuhunsan yahay ka hor inta aan su'aalo la weydiin.

Sidoo kale ninkan la qabtay waxaa la joogay wiil la sheegay in uu isaga dhalay oo afar sano jira ah.

Weerarkii Istanbul ka dhacay billowgii sanadkan ayaa waxaa lagu dilay 39 qof, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda la baxday Dowladda Islaamka.


Xigasho/BB Somali