Sharmake Geelle Jawharadii Ay Dhalinyarada Somaliland Heshay Nusqarni Ka Bacdi: W/Q: Galad

0
Tuesday January 17, 2017 - 12:17:58 in by salman abdi
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharmake Geelle Jawharadii Ay Dhalinyarada Somaliland Heshay Nusqarni Ka Bacdi: W/Q: Galad

    Hargeysa(AFKA);Inkabadan 25sano ayey dhalin yarada somaliland u hamuun qabeen in maruun talada wadanka wax ku yeeshaan oo ka baxaan odhaahda ah waxa tihiin madaxdii berito oo aan la gaadhin baridaas.waxaase manta muuqata Dayax u bidhaamay dhalinyarda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Inkabadan 25sano ayey dhalin yarada somaliland u hamuun qabeen in maruun talada wadanka wax ku yeeshaan oo ka baxaan odhaahda ah waxa tihiin madaxdii berito oo aan la gaadhin baridaas.waxaase manta muuqata Dayax u bidhaamay dhalinyarda somaliland kaas oo ku abuuraya hami iyo yididiilo tusinaya inay iyaga oo da'yar talada wadanka wax ka goayn karaan.

Maanta ayaan la gaadhay inay rumodo riyadaasi oo ay dhalinyaradu wax ku yeelato Xukuumadda iyo talada Wadanka Sharmake Geelle ayaan maanta jabiyay dayr adag iyo tuhunkii laga qabay dhalinyarada ee ku salaysnaa da’da iyo inaan dhalinyaradu la janqaadi karin waaqica dawladnimo iyo inaan lagu aamini karin meel ka sareeya Xafiisyada (Officers) islamar kaana aan lahayn khibrad ay meel sare ku gaadhaan.

Wuxuun maanta Sharmaake Geelle rajo galinayaa Boqolaal kun ee dhalinyarada ah ee reer Somaliland ee sanad walba ka qalin jabiya Jamacadaha dalka ee u hamuun qaba inay ka qayb qataaan talada Wadanka iyo inay aqoonta ay barteen ugu shaqo tagaan Wadankoda kuna horumariyaan ayaa maanta helay rajo iyo iftiin muujinaya inay yagoo dhalinyaro ah, talada Wadanka ka qayb qaataan sida uu maanta ugu jeexay Sharmaarke Geelle Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladda oo ah masuulka ugu sareeya shaqaalaysiinta dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo tusaale fiican u ah hiigsi lef fikir saliima oo ka xoroobay musuqmaasuq iyo eexaysi.

Gudoomiyaha Sharmake Geelle aaya mudadii uu joogay xafiiska Hay’adda Shaqaalaha muujiyay hawl karnimo iyo talaabooyin wax ku ool ah oo ay ka muuqato isku kalsoonaan iyo ku dhacnimo uu ku wajahay masuuliyada culus ee uu u hayo ummada Somaliland wuxuuna tusaale fiican u yahay dhailnyarada Somaliland.

Cabdiqaadir Saleeban (Galad)

Hargeysa/Somaliland