War Deg Deg:Al-Shabaab oo khaarijisay askari maxbuus ahaa oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM (Daawo Sawirro)

0
Wednesday January 18, 2017 - 07:45:56 in by Burco Office
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Al-Shabaab oo khaarijisay askari maxbuus ahaa oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM (Daawo Sawirro)

    Xarakada Al-Shabaab ayaa khaarijisay askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka yimid dalka kaasoo muddo sanad ah maxbuus ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa khaarijisay askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka yimid dalka kaasoo muddo sanad ah maxbuus ahaa. Askarigan ayaa diray fariimo kala duwan ka hor inta aanan la toogan, isagoo kasoo muuqday filim kooban oo ay baahisay Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Alshabaab.

Masassa oo fariintiisu ay aheydtii ugu dambeysay ee laga duubay ayaa ku eedeeyey dowladiisa inay meel cidla ah kaga dhaqaaqday waxbana u qaban-weyday, wuxuuna xusay inuu naftiisa ku khamaaray isagoo raadinayo lacag.

"Waxaan fariin kale u jeedinayaa saaxiibadeyda u diyaar garoobaya inay soo raacaan isla safarkii aniga i keenay Soomaaliya, Xaqiiqdii waxa ugu weyn ee halkaan na keenaya waa lacag jaceyl. Waxaan u baaba’nay oo aan u dhimanay lacag darteed, welina waan sii wadnaa inaan u dhimano lacag darteed. Kuwa hadda u diyaar garoobaya inay yimaadaan halkan (Soomaaliya) Waxaan leeyahay: salka dhulka la hela oo si qota dheer kaga fikira ka dibna weydiiya naftiina haddii aad dalkii ku laaban doontaan si nabad ah iyo cida idiin caawin doonta haddii gacanta lagugu dhigo adigoo maxbuus dagaal ah” ayuu yiri Masassa M.Y oo ah askariga Maxbuuska ah ee la toogtay.

Maxbuuskan ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda iyo dowlada Kenya iney ciidankooda ka saaraan Somalia.

Askarigan Maxbuuska oo ku labisan dareskiisa ciidanimo ayaa isagoo gacmaha ka katiinadeysan, islamarkaana fadhiya meel duur ah, waxaa dhabarka dambe ka tooganaya dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan bastoolad.

Ciidamada Al Shabaab ayaa askarigan waxay ku qabteen weerarkii Jannaale bishii September ee sanadkii 2015-ka kaas oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan AMISOM, waxaana uu horay u jeediyey fariimo dhowr ah oo uu madaxdiisa kaga dalbanayo in laga sii daayo Al-shabaab.

Askar kale oo ka tirsan ciidamada Ugandha iyo kuwa Kenya ayaa la aaminsan yahay iney maxbuus ahaan u heystaan kooxda Al-shabaab.