Argentin Iyo Xulka Nageria Oo U Gudbay Wareega Labaad,Tababaraha Iran Oo Shaqada Iska Casilay Iyo Iran Oo Ka Huleeshay Brazil.

0
Thursday June 26, 2014 - 10:04:01 in by Super Admin
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Argentin Iyo Xulka Nageria Oo U Gudbay Wareega Labaad,Tababaraha Iran Oo Shaqada Iska Casilay Iyo Iran Oo Ka Huleeshay Brazil.

    Inkasta oo Argentina Kaga Adkaatay 3-2 ciyaartii 3 aad ee Group F , hadana xulka qaranka Nigeria ayaa noqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo Argentina Kaga Adkaatay 3-2 ciyaartii 3 aad ee Group F , hadana xulka qaranka Nigeria ayaa noqday


 

 xulkii ugu horeeyey ee Afrika ugu gudba wareega 16 ka sanadkan ciyaaraha aduunka ee ka socda wadanka Brazil.

 

 

Lionel Messi ayaanay ku qaadan wax ka badan 3 daqiiqo inuu Argentina u dhiibo hogaanka , kadib markii uu shabaqa ku hubsaday goolkiisii 3 aad ee Tartanka , laakiin weeraryahanka Baasha ah ee xulka Nigeria , Axmed Muusa , ayaa gool aad u qurux badan ku bar-bareeyey daqiiqad kaliya kadib goolkii xulkiisa lagaga naxsaday.

Messi ayaa intaan loo dareerin nasashada qaybtii hore ee ciyaarta , markale gool u dhaliyey Argentina ciyaartana ka dhigay 2-1, goolkaas ayaa sidoo kale waxa uu ku gaadhay weeraryahanka xulka Brazil ee Neymar oo 4 gool ku hogaaminayay gool dhalinta Koobka aduunka sanadkan.


Waxase markale barbaro ka dhigay ciyaarta , isla weeraryahankii Nigeria u soo baday goolka koowaad ee Axmed Mussa oo Argentina xallay wacdaro ku dhigay.


Goolka guushana waxa Argentina u saxeexay Laacibka difaaca ee Marcos Rojo ciyaartiina waxay ku dhamaatay 3-2 guushu ku raacday Argentina.


Ciyaartii kale ee Group F , oo dhex martay labada qaran ee Bosnia iyo Iran , ayaa xallay waxa guushii u horeysay gaadhay Bosnia oo ku tumatay xulka qaarada Asia, kagana dul talaabsaday 3-1, natiijadaas oo Nigeria u saamaxday inay kaalinta labaad sidaas ku noqoto.


Nigeria oo 4 dhibcood leh , ayaa cabsida ugu weyn ee ay qabtay ahayd Iran oo ka adkaata Bosnia , iyo iyada oo dhaafi weyda sida dhacday Argentina , sidaasna dhibcaha 4 ta ah lagula sinmi lahaa , waxa kaliya ee lagu kala bixi lahaana noqon lahaa gool tirsi, laakiin taasi ma dhicin oo Iran ayaa fursadaas lumisay.


Argentina ayaa 9 dhibcood kaalinta koowaad ku gashay , Nigeria oo 4 labaad ku noqotay iyo Bosnia oo 3 dhibcood iyo saddexaad ku carawday halka Iran dhibic kaliya kala huleeshay koobka aduunka sanadka

Tababaraha Iran Oo Shaqada Iska Casilay

Tababaraha xulka qaranka Iran ayaa katagay shaqada tababarenimo ee xulka kubada cagta Iran, kooxda qaarada Asia ayaan wax guul ah kasoo hoynin koobka adduunka ee Brazil, iyadoo hal dhibic kula noqon doonto wadankeeda.


Iran ayaa maantay guuldaro 3-1 kasoo gaartay xulka qaranka Bosnia, taas oo keentay inay uhoos marto kooxda ay kujirto kadib labo guuldaro oo kusoo gaartay kulamada iswada araga, guuldarada hore ayey kala kulantay Argentina, halka dhibicna waxey kaqaadatay barbaro ay lagashay Nigeria.

iran_1wr6rxh1so3yr1ean7jyzlg13m

Carlos Queiroz ayaa usheegay Website ka Fifa "Waxaan si aad ah ugu dadaali jiray inaan latacaamulo mashruuca Iran ee xulka kubada cagta, balse wax qadaraas cusooneysiin ah la iimasoo bandhigin 11kii bilood ee udanbeesay.



"Waxaan kufaraxsanahay inaan lashaqeeyay Iran, waxaan kudhacay jaceylka wadankaan, qof aan kudooneyn maguursan kartid.




Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com