Sheekh Berberaawi oo Dhalinyarada u kala dooray isticmaalka Facebookga iyo Wat'sapp ka kana jawabay ka uu isticmaalo isagu

0
Wednesday January 18, 2017 - 22:31:56 in by salman abdi
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Berberaawi oo Dhalinyarada u kala dooray isticmaalka Facebookga iyo Wat'sapp ka kana jawabay ka uu isticmaalo isagu

    Hargeysa(AFKA);Sheekh Cabdilaahi Berberaawi oo Boqolaal kamida dhalinyrada Berbera muxadaro ugu jeedinayey Hoolka Jaamcada Badda ayaa dhalinyrada ka waaniyey adeegsiga baraha bulshada ee facebook, Twiter, wat's app,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Sheekh Cabdilaahi Berberaawi oo Boqolaal kamida dhalinyrada Berbera muxadaro ugu jeedinayey Hoolka Jaamcada Badda ayaa dhalinyrada ka waaniyey adeegsiga baraha bulshada ee facebook, Twiter, wat's app, iyo kuwa lamidka ah, waxanu ka sheekeeyey dhibta ay leeyihiin, isago dhinaca kale barbar dhigay faaidooyinka ay yeelan karaaan. Sheekha oo su’aalo laga waydiiyey adeegsiga baraha bulshada, ka loogu qaatay dhinaca adeegsiga iyo sida uu arko haddii sawirkiisa la soo dhigo mid kamida baraha Bulshadu ku kulanto ayaa sheegay in shay walba lagu qiimeeyo sida loo adeegsado, sharka iyo khayrka uu kala kulmi karo iyo waxyaabo lamida, waxa u sido kale tilmaamay in marka ay noqoto facebook iyo wat’s app, Bulshada islaamka ah loo qaatay Wat’s app ka, isagoo xusay sababta "Facebookga wax walba way soo gelayaan oo markaad isticmaalayso waxa loo bahanyahay wax aad kantarooli karto inad isticmaasho, tusaale ahan wat’s appka waxad gelaysa Groupka ad doonaysid oo waxad isticmaalaysa waxad donayso lakin facebookga hadaad furto wax aanad doonayn oo badn bay indhahagu qabanayaan oo dumar qaaqaawan iyo waxyaabo kale oo macaasi ah baa kaaga soo baxaya oo saaxibadaa saaxibadood waxay soo dhigaan bu xata ku tusaya oo hadaad doonto aanad u baahnayn inad aragto oo ad ka baqaysid danbigooda mrkaa sharkiisa badan” ayuu yidhi sheekhu isago ka jawabaya in sawirkisa la so dhig ikaro facebook na waxa u yidhi "Horta wax looga baahanyahay ama uu tarayo sawirkaygu ayaanan garanayn ba faaidada ku jirta in sawirkayga la soo dhigo ayanan granayn ba, wan arkay se dad xata akoono facebook ga magacayga ku samaystay, anigu ma isticmaalo facebookga sidaydaba mana galo lkin qoraalo laga soo qaaday waa la ii kena oo wax la iga waydiinayo” ayu yidhi sheekhu Sheekh Barbaraawi oo bulshda reer bera su’aalo badn waydiisay muxaadaro uu u jeediyey kadib ayaa si weyn uga hadlay waxyaabo bulshada shaki ka gelinaya diintooda oo mudooyinkan danbe si xawli ah uu faafaya.