Ciidamada Senegal Oo Yimid Xudduuda Gambia Si Cadaadis Loo Saaro Madaxweyne Yahya Jammeh.

0
Thursday January 19, 2017 - 11:08:02 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Senegal Oo Yimid Xudduuda Gambia Si Cadaadis Loo Saaro Madaxweyne Yahya Jammeh.

    Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay tallaabo ka qaadi doonaan Gambia, haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.


Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay imaadeen xudduuda Gambia.

Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka.

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Mr Jammeh ayaa diiday inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal.

Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga

soo bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah.

 

 

Sources:bbc.