Madhabaa In Wasiir Sacad Isaga Leexiyay Saxeexii Heshiiska Saldhiga Milatari Wasaaradaha Duulista Iyo Gaashaandhiga??

0
Thursday January 19, 2017 - 11:26:20 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madhabaa In Wasiir Sacad Isaga Leexiyay Saxeexii Heshiiska Saldhiga Milatari Wasaaradaha Duulista Iyo Gaashaandhiga??

    Iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay Khilaaf xoog leh oo ka dhex qarxay Madaxtooyadda Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire kadib markii ay si weyn ugu kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay Khilaaf xoog leh oo ka dhex qarxay Madaxtooyadda Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire kadib markii ay si weyn ugu kala

fogaadeen heshiiska Saldhiga Milatari ee ay Dawlada Somaliland ka siinayso Dalka Imaaraatka Carabta Marsada Berbera ayaa waxa hadda soo baxay khadad uu Wasiir Sacad kaga gudbay arintaasi,si aanu wax lug ah ugu yeelan Arintani oo saamayn taban ku leh Deegaanka uu ka soo jeedo.


Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Dad wargaleen ah ayaa tibaaxay in Xaaladdii kala fogaaneed ee u dhexaysay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyaddu meel fiican saldhigatay kadib markii sida la sheegay uu Wasiirku geed iskaga tiiriyay Saxeexii lala daba socday ee ku saabsanaa Heshiiska Saldhiga Milatari ee ay kala saxeexanayeen Xukuumadda Somaliland iyo Dalka Imaaraatka Carabtu,oo sida hore loo baahiyay uu Wasiirku meel adag ka istaagay inuu wax lug ah ku yeesho,Waxaana dhawr jeer hore loo shaaciyay in Wasiirka iyo Madaxtooyaddu isku seegeen arintaasi,islamarkaana ay Madaxtooyaddu diyaarisay inay Xilka ka qaado wasiirka,iyadoo dhinaca kalena hore loo shaaciyay inuu wasiirka laftiisu dhinaciisa damcay inuu Xilka iska casilo kadib cadaadis badan oo kaga yimid Dhinaca madaxtooyadda.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Illo xog ogaal ah oo ka agdhaw Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirku arinta Saxeexaha ee Heshiiska Ay Xukuumaddu la galayso Dalka Imaaraatka Carabta uu ku dooday inaanu isagu awood shaqo u haysan oo aanay ahayn wax uu shaqo ku leeyahay, Waxa uu sida la sheegay soo hor dhigay Madaxtooyada Dood sharci ah oo ka qaboojisay Culayskii badnaa ee ay Madaxtooyaddu ku haysay.

Warkan ayaa intaa ku daray inuu Sacad arintaasi iskaga riixay oo uu isku dhaafiyay Wasaaradaha Duulista iyo Gaashaandhiga,kuwaasi oo uu sheegay inay awood sharci u leeyihiin inay Hawshaasi galaan,Waxaanu sida la sheegay Madaxtooyadda u sheegay inaanu isagu maamulin Garoon Diyaaradeed iyo Xarumo ciidan toona ee ay wasaaradahaasi tahay arintaasi shaqadooda oo ay kaga haboon yihiin saxeexida Mashruucaasi.

Wasiir Sacad ayaa waxa uu ku jiray todobaadadii u dambeeyay Laba daran mid dooro,dhinaca waxa culays badan ku hayay Siyaasiyiinta iyo hormoodka Dadka ka soo jeeda Deegaanka Berbera oo aad uga soo jeeda Saldhiga Milatari ee imaaraatka laga siinayo Marsada Berbera,Dhinacna waxa culays badan ku hayay Madaxtooyadda oo doonaysay inay iskaga dhigto canaanta iyo diidamada Deegaankaasi oo uu Wasiirku ka soo jeedo.