"Xukuumadu Kamay Soo Bixin Ee Way Dayacday Doorkii Ka Saarnaa Taakulaynta Dadka Abaaruhu Hayaan" Siciid Sulub Maxamed

0
Thursday January 19, 2017 - 11:31:54 in by salman abdi
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumadu Kamay Soo Bixin Ee Way Dayacday Doorkii Ka Saarnaa Taakulaynta Dadka Abaaruhu Hayaan" Siciid Sulub Maxamed

    Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed, oo hadda ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed, oo hadda ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga

Waddani, ayaa Xukuumadda ku dhaliilay xaalada abaareed ee dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanay Xukuumaddu xilkii looga baahna gurmadka Abaaraha iska saarin, Caalamkana aanay u sheegin, waxaanu tilmaamay in hadda ay bilaamatay dhimashadii dadka ee ay sababta u ahayd abaartu.

Siciid Sulub Maxamed, oo ugu horeyn ka hadlaya Abaarta ayaa yidhi "Abaartu waxa weeye Gu’gii hore oo xumaa, iyo dayrtii oo la waayey, markii ay is biirsatay, iyo dalka oo intiisa badan xaaluf iskaga badan yahay, waxa dhacday abaar is maciirsato ah, abaarta iyada ah gurmadkii loo baahnaa lagama galin, maantana marxalad xun oo qaylo dhaanteeda ah iyo qayladeedu aad u badan tahay baa jirta, waxaan doonayaa in aan ku baraarujiyo Xukuumadda maanta talinaysa ee Somaliland in sidan si dhaanta ama ka adag hawsha u gasho, iyadaa xilka dadku saaran yahay, iyadaa xilka Qaranku saaran yahay, Xisbiyo ma saarna, cid kalena ma saarna”.

Siciid Sulub ka hadlaayey abaarta iyo sidii ay Xukuumaddu aanay xilka iskaga saarin ayaa yidhi"Guddida abaaruhu wey dadaalayaan, laakiin Guddida abaaraha lafteeda Xukuumadda ayaa dusha ka haysata, waxa la inoo soo sheegaya in goobaha qaar in dhamashadii dadku ay imika bilaameen, dadku markay cunto waayaan, Xooluhu ka madhaan, ee nafaqadu dhammaato waxa la hubaa in dadkuna dhimanayo, waxa maanta loo baahnaa inay Xukuumaddu xaalad deg deg ah sameeyso, in talo qaran la galo, in caalamka loo qayliyo, in la ogeysiiyo duwalkan carbeed, siiba kuwan inala sheer gareeyey dalkii, ee Dekadaheenii iyo Madaradeenii laga kireeyey ama laga iibiyey, waxaad mooda gurmadkii loo baahnaa, ama qaylo dhaantii loo baahnaa, in aanay Xukuumaddu sameeyan, arinta aad u fududeeystay, xilkuna Xukuumaddu saaran yahay ee cid kale ma saarna”.