"Madaxweyne Dalka Adigaa Madaxweyne Ka Ah Ee Raad Wanaagsan Dalka Kaga Tag" Cabdi Haybe Maxamed

0
Thursday January 19, 2017 - 11:37:22 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne Dalka Adigaa Madaxweyne Ka Ah Ee Raad Wanaagsan Dalka Kaga Tag" Cabdi Haybe Maxamed

    Hargeysa (AFKA)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ka tirsan, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale-na Wasiir ka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (AFKA)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ka tirsan, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale-na Wasiir ka ahaa

, ayaa ka digay Saldhiga Milarti ee Berbera ee la sheegay in Xukuumaddu siinayso Dalka Imaraadka, waxaanu sheegay in saldhigaasi halistiisa leeyahay, waxaanu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu aad uga fiirsado.


Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen Xisbiyadu, waxaanu yidhi "Saldhiga Milatari ee Magaalada Berbera, waxa u kala dambeeyey Ruushka iyo Mareykanka, oo ah wadamo awood badan, balse Imaraadku lama mid ah Labadan Wadan, waxaana maanta nahay wadan aan wali aqoonsi caalamiya Beesha Caalamka ka helin, Saldhigan Milartina halis buu inagu yahay, oo Wadamo badan oo aynu jaar nahay, oo xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ahi inaga dhexeeyo ayeynu kala fogaanaynaa, waxa haboon in aan lagu deg degin Saldhigan in la bixiyo”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu talo u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi "In dalka la tafaariiqeeyo, oo caantayn shilimaad ah la siisto masiirka umadda maaha, ee Madaxweyne dalka adigaa ka Madaxweyne ah ee raad wanaagsan dalka kaga tag, oo raad xun oo mustaqbalka iyo masiirka umadda dhib ku ah oo taariikhda ku gala ha ka tagin, oo Saldhigaasi halis badan buu dalka ku yahay, ee aad uga fiirso oo ha ku deg degin”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey qodobadii ay Xisbiyadu ku heshiiyeen ayaa yidhi "Aad baan u soo dhaweeynayaa qodobadii ay Xisbiyadu sida wada jirka ah u soo saareen, waxaana aad u taageersan nahay qodobkii ay isku raaceen Xisbiyada Waddani iyo UCID ee ahaa lix bilood Doorashada ha loo dhigo, maxa yeelay bisha sagaalad ilaa bisha tobanaad Doorashada waa la gali karaa, iyadoo ay xilligaas ku beegan tahay Dayr, laakiin imika sinaba Doorasho looma gali karo, oo abaartii baa taagan”.