Xog Culus:Saddexdii Wasiir Ee Wasaaradahooda Ka Maqnaa Kormeerkii M/Siilaanyo Iyo Kuwii Iyaga Oo Xiiqsan Goor Dambe Kasoo Daba Galay Socdaalka Madaxweynaha

0
Thursday January 19, 2017 - 12:03:58 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Culus:Saddexdii Wasiir Ee Wasaaradahooda Ka Maqnaa Kormeerkii M/Siilaanyo Iyo Kuwii Iyaga Oo Xiiqsan Goor Dambe Kasoo Daba Galay Socdaalka Madaxweynaha

    Hargeysa (AFKA)- Madaxwaynaha qaranka somaliland Mudan Axmed Maxamed Silanyo ayaa socdaal kadis ah ku maray isniintii aynu soo dhaafnay qaar ka mid ah hay'adaha Xukuumadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (AFKA)- Madaxwaynaha qaranka somaliland Mudan Axmed Maxamed Silanyo ayaa socdaal kadis ah ku maray isniintii aynu soo dhaafnay qaar ka mid ah hay'adaha Xukuumadda.
Kormeerka Madaxweynaha ayay ujeedadiisu ahayd dardar-gelinta hawlaha Qaranka iyo u kuur-galka sida ay u socdaan hawl-maalmeedka Hay’adaha dawladda.

Afartii wasaradood ee uu maray madaxwaynuhu ayaa badidooda ay ka maqnaayeen wasiiraddii Ka masuulka ahaa marka laga reebo wasarada beeraha oo wasiirka iyo shaqaale waynaha wasaradaasi oo gudanaya wajibaadkoodii qaranku uu madaxwaynuhu uu ugu galay xafiisyadoodii si lama filaan ah.
waxaana madaxwaynuhu uu warbixino ku sahabsan shaqada wasarada beeraha uu ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim iyo agaasimaha guud ee wasaarada, dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu soo kormeeray dhismayaal ka socda Wasaaradda gudeheeda iyo hawl maalmeedka shaqaluhu siday u socdaan wuxuuna madaxwaynuhu uu ugu duceeyay sida dacada ah ay u gudanayaan shaqadooda.
Wasaradihii ay wasiiradu Ka maqnaayeen ee aanu madaxwaynuhu ugu tagin waxay kala ahaayeen.
1. Wasiirka Wasarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Calamiga Ah
2. Wasiirka Wasarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare
3. Wasiirka Wasarada Warfaafinta Iyo Wacyi Galinta.
Waxaana saddexdan Wasaradood uu madaxwaynuhu uu ugu galay wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal guud oo xiiqsan oo sida la sheegay qaarkood in ay xayndaabka wasaaradda ay soo galeen madaxwaynihii oo gudaha ugu jira wasaradahoodii oo indho indhayna ka wada, halka qaarkoodna laga xidhay irada hore ee laga soo galo laguna joojiyay loona diiday in ay galaan xayndabka wasarada maadaama cidna loo ogalayn in ay ka daba galaan madaxwaynaha.
Dhanka kale qaar kale Oo Ka mid ah wasaradaha kale markii ay ogaadeen in madaxwaynihii uu kormeer uu u Soo baxay ay si naflo caarid ah ay u sii fadhiisteen xafiisyadoodii iyagoo markii hore ka maqnaa.
haddaba iyaddo ay sidaa tahay ayaa wasiirka wasaarada beeraha maxamed aw daahir uu noqday wasiirkii kaliya ee safarkii kadiska ahaa ee madaxwaynaha uu u ugu baxay xafiisyada dawlada uu xafiiskiisa uu ugu galay isagoo gudanaya wajibaadkiisii qaran halka wasiiraddii dhigiisa ahaa laga waayay wasaradahoodii.
Haddaba iyadoo ay cadahay xil gudashada wasiirka beeraha iyo hanashadii xilkii uu madaxweynuhu uu u igmaday wuxuu sanadkan uu noqanyaa wasiirka wasaaradaha .
Madaxwaynahana waxaan usoo jeedinaya in uu wasiir beeraha maxamed aw daahir uu gudoonsiiyo Shahaado sharaf ama bilad madaama uu noqday halyay kasoo baxay shaqadii qaranka.