Baadiyaha Raggii joogoybaa Garan Baroortayda.! W/Q Abwaan Maxamed Galaydh

0
Thursday January 19, 2017 - 13:36:01 in by salman abdi
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadiyaha Raggii joogoybaa Garan Baroortayda.! W/Q Abwaan Maxamed Galaydh

    Cuuuc,maaaq,booo, macaac, ba'aa,xunboox,jaqaaq,biif !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cuuuc,maaaq,booo, macaac, ba'aa,xunboox,jaqaaq,biif !


Wii’ oonwoo,ina gidhiwaa ina gidhiwaa!
Jiiq-jiiq,buru-ruf,xuuf,waaq-waaq! Xuuun bakh-bakh, xaw-xaw,fiiq-fiiq, waa adduunyo aan wadhafkeeda la sidan oo hadba wilig ka ciyaaraysee wakhtigii hore waxaan Ku waa bariisan jiray codadkaa kala duwan ee ay bixiyaan dab-joogta iyo duud-joogtuba "inta duushana Ku daroo ooggu wuxuu iigu bilaami jiray caafimaad iyo jawi carrfoon.

Xoolaha ayaan mar la dareeri jiray oo hadba halka ay daaqayaan ayaan ka buttaysan jiray xaraar anoo xaraabe ka samaysan jiray ,xuurarka aanu xoolaha wada daajisan jirnay iskamaanaan caajisi jirin oo waxaannu lahayn maskax fahan badan oo agabkii soo baxaba isagoon sidii sii ka dhicin ayaannu abqaalan jirnay oo Ku mada-daalan jirnay.

Gu’-dheeraha anbaba waxa gaadhiga loo yaqaano ayaanu ka allifi jirnay dacarta sakxadeheeda annagoo dhoobadana uga samayn jirnay taayirrada ,waxaanu dhililam-dhilamta gurno oo marna qaadwale Ku mattalno marna rakaab -side ayay hadhimada noogu gaadhi jirtay.

Jabadaanta oo aanu hangaalley iyo hungguulleyda guri jirnay waxay ka mid ahayd maadayskayaga iyo waxyaabaha aanu maaweelada ka dhigan jirnay,

Annaga ayaa isku jimicaan jirnay oo waxaannu ciyaari jirnay afarrta baarqab iyo ayeeyo waska! Laacdanka iyo lagdintu waxay noo ahayd loollankayaga ” tabcada dheer iyo ta gaabanba waan sudhi jiray annagoo iskugu cartami jirnay hiilaha iyo hareeriga libineed.

Tallaxa waxaanu kaga taammi jirnay xooxda kulul ee baar-cadd laga soo lisay ,magaabis waxxaanu Ku wadnaba macawisaha ayaannu gaabsan jirnay,ad-adaygga ammintaa nagu jiray haddii aannu jiica la lagg-danno inuu jabayaan Ku dhaaranayaa! Sababtoo ah ”
Ragg iyo rabbi yaqaan ayaanu ahayn oo baar-furanka rukumadu adkaadeen ee aan wali hoggaanka la barin ayyaanu labada galin ka hore guriga Ku qaadi jirnay xoogga iyo xinniyaha nagu jiray dartood .

Hablaha sheeko tagga ah intaan shirbada la galin ayaannu shanta kaga dhici jirnay oo si sharafleh u shukaansan jirnay, darimaha ayaanu u dallacan jirnay meel uu duq deeb lihi joogo si aannu gafaadhnnimo iyo faa’ido uga helno dabad yaalka damalada jooga ee dayaxa iyo moorada wax ka yaqaanna.halkaa ayaannu wax Kaga baran jirnay oo cilmi falagga iyo cindiga xidigiskaba nagula bar-barbaarin jiray.

Cuntadayada oo kaliya lama dhisi jirine,caqliyaddayada iyo carrabkayaga ayaa la sixi jiray ,sheeko hawleedyo ayaa nagula cel-celin jiray mid waliba cammalkeeda iyo casharkeeda hawadatee.
Gabanku markuu hal-baarkeed gacanta la gaadho wuxuu noqon jiray hanagay garta niqi kara gabadhna loo xarayn karo geessinnimo darteedna geela dhicin kara gobanimadana loogu soo hagaago.

Iminka dhawaqyaddii xoolaha iyo xayyawaanadaan aqaanay waxaa ii badalay! Ci’da digaagga ,dameeraha,ayda,iyo bisadaha!
Halka odayaashi wax laga guri jiray ay ii badaleen,kuwo siyaasadd iyo macno la ,aan ka sheekaynaaya.!

Baadiyaha raggii joogoybaa garan baroortayda.!

W/Q Abwaan Maxamed Galaydh