Dhismaha Dabaq Dheer Oo Si layaab leh U Soo Dumay Iyo Qasaaro Badan Oo Ka Dhashay+Sawiro

0
Thursday January 19, 2017 - 17:02:50 in by Burco Office
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Dabaq Dheer Oo Si layaab leh U Soo Dumay Iyo Qasaaro Badan Oo Ka Dhashay+Sawiro

    Dhismo ganacsi oo ka koobnaa dabaq dhoor biyaano ah ayaa kusoo dumay magaalada Taharn ee Caasimada dalka Iiraan, waxaana bur burka dhismahan ka dhashay qasaaro badan sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhismo ganacsi oo ka koobnaa dabaq dhoor biyaano ah ayaa kusoo dumay magaalada Taharn ee Caasimada dalka Iiraan, waxaana bur burka dhismahan ka dhashay qasaaro badan sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Iiraan. Telefishinka qaranka dalka Iiraan ayaa sheegay in dhismahan bur buray sidoo kale uu dab qabsaday qeyb kamid ah maanta oo khamiis ah, waxaana wali socda baadi goobka dad lagu tuhmayo in dhismaha ay ku jireen.

Inta la xaqiijiyay bur burka dhismahan waxaa ku dhaawacmay 75-qof ay ku jiraan 45-kmaid ah shaqaalaha dab damiska, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay suurto gal tahay in qasaaraha inta hada la ogyahay ka bato ayna jiraan dad ku dhintay shilkaasi.

Warbaahinta iyo Wakaaladaha Caalamka ayaa tilmamaya in dhismahan uu usoo dumay si layaab leh, waxa ayna tilmaameen in Muuqaalka laga duubay muujinayo sida dhismo Filim lagu jilayo oo kale uu usoo dumayo dhismaha dabnkana uga kacay.