"Madaxweynaha La Doortay Ee Donald Trump Waxa Uu Sii Jiri Karaa Sannad Amma Laba sanno Oo Qudha" John Kerry

0
Thursday January 19, 2017 - 18:30:00 in by Burco Office
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha La Doortay Ee Donald Trump Waxa Uu Sii Jiri Karaa Sannad Amma Laba sanno Oo Qudha" John Kerry

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee xilka bannaynaya John Kerry, ayaa saadaaliyey in Madaxweynaha loo doortay dalkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee xilka bannaynaya John Kerry, ayaa saadaaliyey in Madaxweynaha loo doortay dalkiisa

ee Donald Trump uu talada hayn doono muddo sannad ama laba sanno keliya.

John Kerry waxa uu sheegay in maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu dhaawac u gaystay sumcadda dalka Maraykanka, isla markaana uu caqabad kala kulmi doono dunida xorta ah oo aannu la jaanqaadi kari doonin.

Xoghaye Kerry oo ka qaybgalay shirka Ganacsiga Adduunka oo ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland shalay, waxa uu sheegay in qorshayaasha Madaxweynaha cusub ee la doortay yihiin kuwa khatar ah oo burburin doona sumcadda Maraykanku ku lahaa dunida.

"Waxaynu u dhaawacnay sumcaddeenii si aan, waxa jira waqti kaas oo cajiib ah, laakiin waxaynu dhaawac wayn u gaysanay nafaheenna, waxay dhaawici doontaa muddada xil hayntiisa oo sannad ama laba sanno, wax kastoo dhaca muddada uu joogi doono maamulka Trump,” ayuu yidhi John Kerry oo la hadlayey suxufi ka tirsan jariirada Maraykanka ka soo baxda ee New York Times.

Waxa kaloo uu John Kerry xusay in hab-dhaqanka Trump uu khatar ku yahay isku xidhnaanta iyo iskaashiga adduunka, taasina gayeysiinayso dalkiisa inuu gaadho meel aan dib looga yeedhyeedhi karin.

"Xaqiiqdii waa ku khartar in heerkii ugu hooseeyey uu Maraykanku ka ciyaaro siyaasadda adduunka,” ayuu yidhi Kerry.

Xoghayaha Dibadda ee maamulka Madaxweyne Obama oo xilka wareejinaya maalinta Jimcaha waxa uu si adag u duray dhaliilaha Donald Trump dhawaan u soo jeediyey ururka NATO ee Maraykanku hormoodka ahaa iyo Midowga Yurub, waxaannu ku sifeeyey Madaxweynaha cusub mid aan la garayn jihada uu ku socdo, waxaannu yidhi, "Ma garanayo halka uu u socdo maamulkan cusubi.”