Garabka Dhalinyaradda Xisbiga KULMIYE Oo Eedaymo U Jeediyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI+SAWIRRO

0
Thursday January 19, 2017 - 18:57:39 in by Burco Office
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabka Dhalinyaradda Xisbiga KULMIYE Oo Eedaymo U Jeediyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI+SAWIRRO

    Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa soo bandhigay fadeexado ku tacaluqa xidhiidhka uu xisbiga WADDANI la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa soo bandhigay fadeexado ku tacaluqa xidhiidhka uu xisbiga WADDANI la

leeyahay siyaasiyiinta aaminsan mabda’a Soomaaliweyn, iyaga oo shaaca ka qaaday saraakiil xubno ka ah xisbiyo muqdisho laga leeyahay oo sidoo kale ku jirta xisbiga WADDANI, waxana ay sidoo kale deedafeeyey been abuur uu xisbiga WADDANI ka sameeyey barmaamij siyaasadeed xisbiga KULMIYE oo aan weli soo bixin.

imageimageimage
Guddoomiye-ku-xigeenka garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE Md. Cabdirashiid Muuse Abyan oo uu wehelinayey madaxa xidhiidhka saxaafadda ee garabkaas Md. Muxyadiiin Yuusuf Ibraahim o maanta saxafadda la hadlay ayaa warbaahinta usoo bandhigay muuqaallo iyo sawirro muujinaya siyaasiyiin xubno ka ah xisbiga TAYO ee uu hoggaamiyo ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidoo kale katirsan xisbiga WADDANI, isla-markaana fagaarayaal caasimadda Hargeysa ku yaalla ka difaacaya barnaanijyada WADDANI.

Muxyadiin Yuusuf oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xubin dhawaan ka qayb qaadatay ban-dhigga barnaamij siyaasadeedka xisbiga WADDANI uu xubin sare ka yahay xisbiga TAYO ee uu hoggaamiyo ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Kulankii uu dhawaan xisbiga WADDANI kusoo bandhigay aragtidiisa siyaasadeed nimankii barnaamijkaas daadahaynayey nin kamid ah oo lagu macaabo Cabdifataax Ismaaciil Yuusuf(siyaasi), ayaanu doonaynaa inaanu bulshada u iftiimino, ninkaasi waxa uu kamid yahay oo katirsan yahay xisbi Soomaaliya ka jira oo uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo lagu magacaabo TAYO, ayuu guddoomiye-ku-xigeen uga yahay xafiiska ay ku leeyihiin Suudaan, bulshadana arrintaas waanu u iftiiminaynaa oo xaqiiqda ayaanu u sheegaynaa.”

imageimageimageimageimage
Mudane Muxyadiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay xisbiga WADDANI hoosta ku haystaan oo ay xubno ka yihiin saraakiil xilal sare u haya xisbiyada Muqdisho laga leeyahay,"Taariikhda weligeen siyaasadda Somaliland kuma aynu maqal qof Soomaaliyana xisbi kaga jira Somaliland-na xisbi kaga jira, laakiin imika waxa taas lagu hayaa oo ay ka jirtaa xisbiga WADDANI, xisbiga WADDANI ilaa maalintii la aasaasay waxa iskugu soo ururay wax allah iyo wixii macaan jecel ahaa ee u arkayey in midnimada Soomaaliyeed sax tahay, haddii ay dhallinaro tahay, haddii ay waayeel tahay iyo haddii ay cid kale tahayba, halkana waxanu ku haynaa muuqaalladii iyo sawirradii wiilkaas oo xafiisyada xisbiga TAYO fadhiya oo dadka ku qaabilaya” ayuu yidhi Muxiyodiin.

Guddoomiye-ku-xigeenka garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE Md. Cabdirashiid Muuse Abyan, ayaa isaguna meesha ka saaray been abuur garabka dhallinarada xisbiga WADDANI dhawaan ku sameeyeen barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE oo ay ku andacoonayaan inay nuqullo kamid ah hayaan, waxana uu shaaca ka qaaday inaanu wali soo bixin barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE oo aan bulshada loosoo bandhigin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Dhawaan xisbiga WADDANI waxa ay xaflad ay isku barbar-dhigayaan barnaamij-siyaasadeedka xisbiga WADDANI intiisa dhallinyarada qusaysa iyo midka KULMIYE, arrinkaas waxanu umadda u sheegaynaa inuu ahaa arrin been abuurad ah oo khalad ah, sababta oo ah barnaamijkii xisbiga KULMIYE lama soo bandhigin oo lama faafinin, Barnaamij aan lasoo bandhiginna qofka yidhaahda waxaasuu sheegayaa way caddahay inuu been yahay, been abuurkaasna qolada WADDANI caan bay ku yihiin.”

Sarkaalka guddoomiye-ku-xigeenka dalka Suudaan ugu magacaaban xisbiga uu Farmaajo hoggaamiyo ee TAYO oo magaciisu yahay Cabdifataax Ismaaciil Yuusuf(siyaasi), ayaa dhawaan la arkay isaga oo fagaare lagu falanqeynayey barnaamij-siyaasadeedka WADDANI ka hadlaya, isla-markaana si qoto dheer ugu nuux nuuxsanaya inuu barnaamijka WADDANI muhiimad u leeyahay dhallinyarada, isagaoo isticmaalaya kaadhkiisa xisbiga WADDANI, isla-markaana qarsanaya midka uu ka sito xisbiga TAYO ee Muqdisho laga leeyahay.