Senegal Oo Galisay Ciidan Gudaha Dalka Gambia Si'ay U Taageerto Madaxwaynaha Ladoortay.

0
Friday January 20, 2017 - 10:01:01 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senegal Oo Galisay Ciidan Gudaha Dalka Gambia Si'ay U Taageerto Madaxwaynaha Ladoortay.

    Ecowas ayaa sidoo kale ugu hanjabay inuu xoog kaga saari doono haddii uu u hogaansami waayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ecowas ayaa sidoo kale ugu hanjabay inuu xoog kaga saari doono haddii uu u hogaansami waayo.

Ciidamada Senegal ayaa gudaha u galay Gambia iyaga oo damacsan sidii ay taageero u siin lahaayeen Adama Barrow, oo loo dhaariyay xilka galinkii danbe Khamiistii , kadib markii uu ku guuleystay doorashada bishii hore.

Mr Barrow ayaa lagu dhaariyay Xafiiska safaaradda Gambiya ku leedahay Senegal caasimadeeda , sharcinimadiisana waa mid si caalamiya la iskula wada qaatay.

Urur goboleedka Galbeed ka Africa ee ECOWAS ayaa Yahya Jammeh sii yay fursad uu ku banneeyo xafiiska illaa Maanta Jimcaha duhurkii.

Ecowas ayaa sidoo kale ugu hanjabay inuu xoog kaga saari doono haddii uu u hogaansami waayo.

15 ka xubnood ee katirsan golaha ammaanka ayaa sidoo kale taageeray Ecowas , balse waxa


ay soo jeediyeen in la isku dayo in lagaadho xal siyaasadeed intaan awood la isticmaalin.

 

Diididda in Mr Jammeh uu xafiiska ka tago waxa sidoo kale taageeraya Golaha baarlamanka Gambia .

Hadhwanag News

Hargeisa Office

Source : BBC World Service