War Deg Deg:Wasiir Dibada Looga Soo Saaray Xafiiska Madaxweyne Siilanyo , Wasiirka Uu Yahay , Wakhtiga Laga Saarey Iyo Sababta Dibada Loo Dhigay
- Visits: 623
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa waxaa dibada looga soo saarey hoolka shirarka ee madaxtooyada Somaliland .
Dhacdadan ayaa waxaa ay dhacdey maalintii shalay oo Khamiis aheyd wakhtigaas oo ay madaxtooyada ku sugnaayeen saddexda gudoomiye iyo kominshanka doorashooyinka Somaliland oo kulan la lahaa madaxweyne Siilanyo .
Kulankaasina waxaa uu ahaa mid u khaas ah saddexda dhinac ee kala ah madaxweynaha , Gudida doorashooyinka iyo saddex xisbi isla markaana waxaa uu sidoo kale ahaa mid ka cagnaa in ay soo fadhiistaan wasiirada iyo masuulyiinta aan saddexdaas dhinac aheyn
Wasiirkan ayaa hoolka ugu soo galay iyada oo ay fadhiyaan xisbiyada qaranka iyo kominshanka doorashooyinku , waana uu soo faadhiistey hoolka wakhtigaas oo la sugaayey madaxweyne Siilanyo in uu hoolka soo galo .Kominshan doorashoyinka ayaa isla markiiba waxaa ay codsadeen in dibada hoolka looga saaro wasiir Cadaani isla markaana uu shirkani yahay mid khaas u ahaa saddexdaas dhinac waxaana wasiir Cadaani lagu war galiyey in uu hoolka dibada uga baxo , waxaana uu sidaasi kaga baxay hoolka wasiirku