Hordhac: Liverpool vs Swansea City – Reds Oo Isha Ku Heysa Iney Ilaashato Rikoorkeeda Guuldaro La'aanta Anfield Road

0
Saturday January 21, 2017 - 11:13:42 in by Burco Office
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool vs Swansea City – Reds Oo Isha Ku Heysa Iney Ilaashato Rikoorkeeda Guuldaro La'aanta Anfield Road

    Liverpool ayaa dooneysa iney dheereysato rikoorkeeda guuldaro la'aanta garoonkooda Anfield Road waxeyna qaabili doonaan kooxda heerka labaad ka carareysa ee Swansea City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa dooneysa iney dheereysato rikoorkeeda guuldaro la'aanta garoonkooda Anfield Road waxeyna qaabili doonaan kooxda heerka labaad ka carareysa ee Swansea City.

Inkastoo ay rikoor xoogan ku heystaan gurigooda hadana Plymouth ayey ka heleen guushii ugu horeysay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaaraan dhamaan tartamada oo dhan markaas oo ay hal gool oo qura kaga farxasheen iyagoo u gudbay wareega xiga ee koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka.

 

 
Liverpool laba barbardhac oo xiriir ah ayey galeen taasoo ka dhigan iney 7-dhibcood ka hooseeyaan kooxda horyaalka hogaankiisa ku dhagan ee Chelsea.

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Liverpool vs Swansea City

Tartanka:Premier League

Garoonka:Anfield Road

Saacadda:3:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore:Kevin Friend (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson iyo daafaca reer England Nathaniel Clyne ayaa la rajeynayaa iney taam buuxa u noqdaan kulankaan, labadaan xidig ayaana kusoo laabtay tababarka kooxda jimcahii.

Jurgen Klopp ayaa magacyo waaweyn keydsaday kulankii FA Cup-ka isagoo kala dan lahaa iney kulankaan nasiino xoogan u helaan.

Dhanka kale Swansea labadeeda wiil ee cusub Martin Olsson iyo Tom Carroll ayaa diyaar ah halka Luciano Narsingh isna uu dib u dhac ku yimid inuu safto markii ugu horeysay sababo dhaawac la xiriira.

XAQIIQADA KULANKA:

Liverpool ayaa guul heshay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahaan Swansea City, hal guuldaro ayey la kulantay waan kulan dhacay xagaagii h--e markaas oo 3-1 lagu suldaaray.

Swansea ayaan guul kusoo gaarin Anfield kulan ka tirsan Premier League-ga, markii ugu horeysay barbaro ayey gashay balse afar xiriir ah ayey guuldareysatay waxaana waqtigaas laga dhaliyay 14-gool.

Swansea City ayaa laga dhaliyay sadex iyio in ka badan goolal ah 11-ka mid ah 21-kii kulan ee ay ciyaartay xagaagan, waana in ka badan wixii ay fashay dhamaan waayaheeda EPL-ka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3 formation): Mignolet; Milner, Klavan, Lovren, Alex-Arnold; Can, Wijnaldum, Henderson; Lallana, Firmino, Origi

Swansea City (4-2-3-1 formation): Fabianski; Kingsley, Mawson, Naughton, Fernandez; Routledge, Sigurdsson; Ki, Dyer, Cork; Llorente