Hordhac: Egypt vs Uganda – Xulka Ugu Guulaha Badan AFCON Oo Raadinaya Guushii Ugu Horeysay

0
Saturday January 21, 2017 - 11:16:01 in by Burco Office
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Egypt vs Uganda – Xulka Ugu Guulaha Badan AFCON Oo Raadinaya Guushii Ugu Horeysay

    Xulka qaranka Uganda ayaa doonaya iney kasoo kabtaan guuldaradii ay kala kulmeen qaranka Ghana kulankii furitaanka, halka xulka Masaarida ay barbaro la galeen qaranka Mali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Uganda ayaa doonaya iney kasoo kabtaan guuldaradii ay kala kulmeen qaranka Ghana kulankii furitaanka, halka xulka Masaarida ay barbaro la galeen qaranka Mali.

Xulka ugu guulaha badan tartanka ee Masaarida ma aysan soo bandhigin bandhigii 7-sano ka hor ay ka sameeyeen tartankaan, balse waxaa qof walba uu filayaa iney meel sare gaari karaan.

 

 

WARBIXINTA KULANKA:

Tartanka:African Cup of Nation 2017 – Group D

Saacadda:10:00 Habeenimo (XGA)

Garoonka:Stade de Port Gentil.

XAQIIQADA KULANKA:

Egypt ayaa burburisay Uganda kulamadii ugu dambeeyay oo ay wajahdo.

Xulka waqooyiga Africa ku yaala ayaa si xiriir ah u garaacay Uganda shantii kulan ee ay horay isku arkeen.

Egypt ayaan shabaqooda lasoo taaban 3-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahaan Ugdanda, sidoo kalana kulan walba oo ay wajahaan ugu yaraan 2-gool ayey ka dhaliyaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Egypt: (4-4-2)

Al Shenawy – Fathy, Abdul Shafy, Hegazy, Gabr – EL Said, El Nenny, Salah, Mohsen – Trezeguets, Hamed.

Uganda: (4-1-3-2)

Onyango – Iguma, Wasswa, Isinde, Ochaya – Kizito – Mawejje, Azira, Kizito – Miya, Massa