Hordhac: Ghana vs Mali – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Port Gentil

0
Saturday January 21, 2017 - 11:17:55 in by Burco Office
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Ghana vs Mali – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Port Gentil

    Dagaal adag oo ay sameeyeen kadib qaranka Ghana ayaa helay guushii ugu horeysay ee tartanka AFCON markaas oo ay 1-0 kaga farxasheen xulka Uganda oo ka mid ah dalalka aan rajada badan laga qabin ee ka qeyb galaya tartankaan, balse awood dheeri ah soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal adag oo ay sameeyeen kadib qaranka Ghana ayaa helay guushii ugu horeysay ee tartanka AFCON markaas oo ay 1-0 kaga farxasheen xulka Uganda oo ka mid ah dalalka aan rajada badan laga qabin ee ka qeyb galaya tartankaan, balse awood dheeri ah soo bandhigay.

Mali waxey si raganimo leh meel isaga saartay xulka ugu guulaha badan taratnkaan ee Masaarida kuwaas oo ay ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah, waxeyna soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

 

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Ghana vs Mali

Tartanka:African Cup of Nation 2017 – Group D

Garoonka:Stade de Port Gentil

MAXAA KA CUSUB LABADA WADAN:

Tababare Avram Grant ayaa la rajeynayaa inuu sameeyo isbadal dhanka safka h--e ah,Acheampong ayaana loo maleynayaa inuu badali doono Baba.

Dhanka kale macalinka qaranka Mali ayaa dooran doona shaxdii awoodda soo bandhigtay ee dhibicda ka heshay Egypt.

XAQIIQADA KULANKA:

Ghana ayaa guul gaaray 3 ka mid ah 7-kulan oo ay wajahday Mali, sidoo kalana waxey ku lumiyeen 2-jeer, halka 2-na ay barbaro galeen.

Kulankaan waa kii sadexaad oo ay labadaan qaran isaga hor imaanayaan kulanka ka tirsan wareega group-yada tartanka AFCOn, sidoo kalana Semi Finalka laba jeer ayey ku kulmeen,.

Ghana: (4-4-2)

Brimah – Afful, Boye, Acheampong, Amartey – Ayew, Wakaso, Partey, Atsu – Ayew, Gyan.

Mali:(4-2-3-1)

Sissoko – Traore, Coulibaly, Wague, Coulibaly – Sylla, Mamoutou – Sako, Coulibaly, Yataba – Marega