Dibad-baxyo Ka Dhan Ah Donald Trump Oo Ka Socda Australia, New Zealand Iyo Japan.

0
Saturday January 21, 2017 - 14:35:34 in by Burco Office
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad-baxyo Ka Dhan Ah Donald Trump Oo Ka Socda Australia, New Zealand Iyo Japan.

    Dibad baxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa waxay ka socdaan dalalka Australia, New Zealand iyo Japan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa waxay ka socdaan dalalka Australia, New Zealand iyo Japan.


_93726665_mediaitem93726664

Dibad baxyada waxaa qaban qaabiyay dumar dalalkaas ku kala nool.

Dibad baxa ugu weyn wuxuu ka socdaa magaalada Sydney, halkaas oo kumannaan qof oo Trump diidan ay isugu soo bexeen.

Mudaaharaadyada waxay ku saabsan yihiin weerarada la sheegay in Trump uu dumarka ku qaaday iyo dabeecadaha xaqiraadda.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionIn kabadan 5,000 oo dibad baxayaal oo isugu tagay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Dadka waxay isugu tageen safaaradaha Mareykanka ee magaalooyiinka ay dibad baxyada ka socdaan.

Waxaa la sheegayaa in caalamka oo dhan ay ka dhicidoonaan 700 oo isu soo baxyo dumar ay dhigayaan oo Trump ka dhan ah.

Gudaha dalka Mareykanka, waxaa la filayaa in isu soo bax weyn oo tobannaan kun oo qof ay kaa qeybgaalaan uu ka dhaco magaalada Washinton.

Xilligii dhaarinta ay socotay waxay dibad baxyo ka dheceen qeybo ka mid ah Mareykanka, sida Seattle halkaaas oo hal qof uu ku dhaawacmay.

Dhanka UK, dumarka waxaa la filayaa inay isugu soo baxaan magaalada london, taas oo qeyb ka ah ololaha caaalamka ee ka dhanka ah maalintii ugu horeysay ee madaxtinimada Donald Trump.

Magaalada london shalay waxaa ka dhacay isu soo bax ay dad badan ku qabteen safaaradda US ee halkaasi ku taalla.